“Xukuumadihii Kulmiye xuquuqdayadda way duudsiyeen oo nooma arkaan”…

0
705

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Boqor Axmed Iimaan Warsame, oo ka mida madax dhaqameedka Somaliland ayaa ku dhaliilay  xukuumadihii xisbiga Kulmiye ee u kala danbeeyay taladda dalka in ay duudsi kula kaceen xuquuqda beeshoodda.

Waxaanu sheegay in beeshiisa oo xad-gudub weyn ka tirsanaysay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi iyo tii madaxweyne Siilaanyo ay filayaan in hadda ay wax iska bedelaan.

Boqor Axmed Iimaan, waxa kaloo uu ka hadlay heshiiskii ay todobaadkan saddexda xisbi qaran ka gaadheen doorashooyinka iyo in wax ka bedel lagu sameeyo tiradda guddiga doorashooyinka Somaliland.

Waxaanu sheegay in beel ahaan ay markii hore ka maqnaayeen xubnaha komishanka doorashooyinka oo beelaha Somaliland dega oo dhami ku jireen, balse ay hadda ka rejaynayaan in beeshiisa wax lagaga soo darro labadda xubnood ee komishanka lagu kordhinayo.

Boqor Axmed Iimaan Warsame, oo ka hadlayay aragtidiisa ku aadan heshiiskii xisbiyadda waxa uu yidhi  “Aad iyo aad ayaan u soo dhawaynaynaa in ay heshiiyaan saddexda xisbi qaran, oo caqabadii hor taalay ay ka heshiiyaan iyo in guddiga doorashooyinka lagu daro laba xubnood oo la siiyo labadda xisbi mucaarad. Waa arrin aad u fiican, waana arrin aan soo dhawaynayno”.

“Anagu-na waxaanu u aragnaa in arrintaasi ay maanta noo yahay fursad, maxaa yeelay? Xubnaha komishanka doorashooyinka, waxaa ku dhamaa Somaliland oo dhan, oo reer walba xubin ayaa kaga jirtay.

Waxaa keliya oo dhinaa reerka aan anigu ka soo jeedo (beelaha la hayb-sooco), waxaanan rejaynayaa in aanu anagu-na fursadan ka faa’iidaysan doono. Anagoo labadda xisbi mucaarad ku qabna kalsooni weyn.

In ay reerkayaga labadda xubnood wax kaga soo dari doonaan, si guddiga doorashooyinka ay cid waliba uga dhex muuqato”ayuu yidhi boqor Axmed Iimaan oo maanta u waramay Eryal TV.

Geesta kale boqor Axmed Iimaan, ayaa ku dhaliilay xukuumadaha xisbiga Kulmiye ee u kala danbeeyay xukunka dalka in ay duudsiyeen beeshiisa, isla markaana ay kula kaceen quudhsi.

Hase yeeshee waxa uu rejo ka muujiyay in labadda xisbi mucaarad ay hoos u eegi doonaan tabashadda beeshiisa, labadda xubnood ee lagu kordhinayo guddiga doorashooyinka-na ay beeshiisa xubin ka siin doonaan.

Boqorka oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Xukuumadihii  xisbiga Kulmiye, tan hadda joogta iyo tii hore-ba, oo aanu ku dhaliilaynay in ay xuquuqdayadda duudsiyeen, oo anaga iyo beello kale oo Somaliland degaba aanay noo arkaynin in aanu wadanka xaq ku leenahay.

Markaa waxaanu eegaynaa in labadda xisbi mucaarad iyaguna ay cunsuriyaddaa Kulmiye ay ku biiraan iyo in  ay iyaguna maanta wixii ay sheegi jireen ay ka dhabeeyaan, oo labadda xubnood ee komishanka doorashooyinka lagu darayo, ay anaga nagu soo daraan”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here