Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo Raysal Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya oo Kulmay

0
1535

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo wefti uu hoggaamnayay oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa dalka Itoobiya, ayaa kulan is xog-waraysi ah la qaatay Raysal Wasaare ku xigeenka dalka Itoobiya ahna Madaxwayne ku xigeenka xisbiga Barwaaqo Mudane Aadan Faarax Ibraahim.

Waiirka horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Raysal Wasaare ku xigeenka Itoobiya, oo ay ku kulmeen carwada dhaqaalaha dalkaasi, ayaa ka wada hadlay xoojinta arrimaha caafimaadka ee labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta dhinacyada caafimaadka labada dhinac.

Kulankan, waxaa Wasiirka caafimaadka Somaliland ku wehelinayay, Agaasimaha cubsitaalka guud ee Hargeysa iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta safaaradda Somaliland ku leeyahay Itoobiya.

Masuuliyiinta, ayaa soo indho-indheeyey bandhiga carwadan sannadlaha ah ee fadaraalka Itoobiya iyo waxyaabihii lagu soo bandhigay, intaa kadib masuuliyiintu waxay iska xog-waraysteen arrimaha caafimaadka ee labada dal iyo iskaashiga balaadhan ee dhanka caafimaadka iyo sidii loosii xoojin lahaa.

Warka kulanka wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi iyo raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya, ahna madaxweyne ku xigeenka xisbiga Barwaaqo ee dalka Itoobiya Aadan Faarax Ibraahim, ayaa waxa war qoraal ah ka soo saaray wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, kaasi oo lagu faahfaahinayo ujeedada kulankaasi, qoraalkan ayaa waxa uu u dhignaa sida tan:-

“Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo mudooyinkii u dambeeyey, safar shaqo ku joogay dalka Itoobiya, ayaa shalay kulan la qaatay Madaxwayne ku xigeenka Dalka Itoobiya, Aadan Faarax, Wasiiru dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Mudane Xasan Macallin iyo masuuliyiin kale.

Kulankan oo ka dhacay bandhiga carwada dhaqaalaha Itoobiya oo sannad kasta lagu soo bandhigo waxsoosaarka dalka Itoobiya, ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay, Agaasimaha cubsitaalka guud ee Hargeysa iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta safaaradda dalkeenu ku leeyahay Itoobiya, masuuliyiinta ayaa soo indho-indheeyey bandhiga carwadan sannadlaha ah ee fadaraalka Itoobiya iyo waxyaabihii lagu soo bandhigay, intaa kadib masuuliyiintu waxay iska xog-waraysteen arrimaha caafimaadka ee labada dal iyo iskaashiga balaadhan ee dhanka caafimaadka iyo sidii loosii xoojin lahaa”.

Weftigan uu hogaaminayay wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa in muddo ah ku sugnaa dalka Itoobiya, waxaanay xoojinayeen sidii loo adkayn lahaa xidhiidhka dhinaca Caafimaadka ee labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa.”

May be an image of 9 people, newsroom and text

May be an image of 7 people, newsroom and text

May be an image of 4 people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here