Dalka Turkiga oo Laga Xusay Munaasibada 18-May

0
663

Istanbul (Hargeisa Press)- Jaaaliyada iyo Ardayda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa xalay qabtay munaasibad balaadhan oo lagu xusayay Xuska 33 Guurada maalinta Qarranimada jamhuuriyadda ee 18-ka May.

Munaasibadan oo ahayd mid siweyn loo soo agaasimay oo aanay u kala hadhin qabanqaabadeeda iyo ka soo qayb galkeeda Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool magaalada Istanbuul iyo nawaaxigeeda.

Xafladaasi waxaa jaaliyada kala soo qayb galay Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Turkiga. Amb. Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad),Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee dalka Turkiga Cabdiqadir Xasan, Siyaasi Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Ganacsatada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada iyo masuuliyiin kala duwan, ku waa soo madashaasi ku soo bandhigay mudnaanta ay maalintani leedahay.

Waxaanay ka jeediyeen khudbado si qoto dheer uga waramaya Marxaladihii loo soomaray curashada maalintan.

May be an image of 13 people and text

May be an image of 2 people, christmas tree and text

May be an image of 4 people, lighting, dais and text

May be an image of 7 people and text

May be an image of 9 people and dais

Shiine Cilmi Kaahin- ISTANBUL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here