Somaliland oo Si Weyn Looga Xusay Maalinta Qaranimada

0
631

Hargeysa (Hargeisa Press)- Munaasibadda xuska 33aad ee sannad guurada maalinta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May, ayaa maanta si weyn uga qabsoontay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland.

Waxaa munaasibada xuska maalinta qaran ee 18 May ka qayb galay, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Madaxweynahii hore Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne ku xigeenadii hore Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Adan, Guddoomiyaha Wakiillada Yaasin Xiir Faratoon, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan, Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, masuuliyiin ka socday Xisbiga KULMIYE iyo Xisbiga UCID, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha qaranka, dublamaasiyiinta Caalamka u jooga Somaliland iyo marti Sharaf kale.

Munaasibadda oo mid heer sare loo soo agaasimay, isla markaana boqolaal kun oo bulshada caasimada Hargeysa u taagnaayeen dariiqyada caasiamada daawashadeeda, halka boqolaal kale oo gudaha iyo dibeda dalka jooga kala socdeen muuqaalada telefishanka Qaranka iyo Telefishanada kale ee ka qeybqaadanayen baahinteeda, ayaa qeybaha bulshadu socod iyo wacdaro kale ku soo bandhigay fagaaraha.

Waxaana dhinacyadii ka qeybqaatay ka mid ahaa ardayda dugsiyada dalka, degmooyinka caasimada, ururada kala duwan ee ganacsatada, kuwa dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn. Qeybo ka mid ah Wasaaradaha iyo hay’addaha qaranka Somaliland.

Qeybaha kala duwan ee munaasibada ka soo qeyb galay, ayaa waxaa mid walba ku soo bandhigeen xirfadooda gaarka u ah, isla markaana si weyn u soo dhoweeyeen dadweynahii iyo madaxdii ka qeybgashay daawashadooda.

Dhinaca kale, munaasibada xuska 33 guurada ee maalinta qaranimada Somaliland oo ay ka qeyb qaateen ciidamada kala duwan ee qaranka, ayaa waxa fagaaraha gaada-ka-ciyaar ku soo maray ciidamadii ugu badnaa intii qaranka dib ula soo noqday madaxbanaanidiida ee Milateriga Somaliland.

Muuqaalka Ciidamada boqolaalka kun ee fagaaraha soo maray, ayaa xaqiiq la yaab ku noqday cadowga Somaliland, isla markaana xaqiijiyey in balanqaadkii ciidanka Qaranka in guluf iyo colaad yihiin ciidan u diyaar difaaca dalkooda iyo inay waajahaan cadodgiisa.

Fagaaraha waxa lagu soo bandhigay boqolaal ka mid ah noocyada gaadiidka kala duwan ee ciidamada qaranka, hubka noocyadiisa kala duwan, oo dhamaantood ahaa kuwo cusub, markii koowaad-na bulshadu ku daawato faagaraha khayriyada ayaa ku soo dhamaatay nabadgelyo manta.

Dhinaca kale, Munaasibada xuska 18 May 2024 oo si ka balaadhan sannadahii hore manta looga xusay gobolada iyo degmooyinka dalka, halku-dhigeeduna ahaa, Aqoonsi, Wadajir iyo difaaca qaranka ayaa xuskeeda lagu qabtay dhamaan gobolada dalka iyo degmooyinka, isla markaana bulshada kala qeybgaleen masuuliyiinta kala duwan ee qaranka.

Xuska munaasibada maalinta qaranka ee 18 May, ayaa jaalidaha Somaliland ee daafaha caalamku ku qabanayaan dalalka dibedaha, isla markaana kala qeybgelayaan masuuliyiinta qaranka qaarkood iyo masuuliyiinta xisbiyada Qaranka.

May be an image of 4 people, dais and text

May be an image of 6 people and text

May be an image of 3 people and text

 

May be an image of 2 people and text

May be an image of 1 person and text

May be an image of 5 people and text

May be an image of 5 people and text

May be an image of 3 people and suit

May be an image of 1 person and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here