TOOS: Munaasibada 33 Guurada 18-May oo Caawa Ka Socota Madaxtooyada Somaliland

0
1308

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maalinta Xoriyada Somaliland ee 33 Guurada 18 May waa mid ka mid ah Maalmaha sida weyn looga xuso guud ahaan Somaliland iyo wadamada dibadaha ee ay joogaan jaaliyada dadka reer Somaliland u dhashay, iyada oo ay maalntani ku suntan tahay maalinta qaranimada Somaliland.

Waxaana maanta dalka Somaliland iyo wadamada dunida si weyn looga xusay islamarkaana lagu qabtay Munaasibado lagu xusayo 33 guurada maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May.

Sidoo kale, waxaa caawa Madaxtooyada Somaliland ka socota munaasibadan maalinta qaran ee 18 May, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Madaxweynayaashii hore, Madaxweyne ku xigeenadii hore, Guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha qaranka, dublamaasiyiinta Caalamka u jooga Somaliland iyo marti Sharaf kale.

Waxaa kaloo munaasibada ka qayb galay Safiirrada dalalka Itoobiya, Jabuuti, Imaaraadka Carabta, iyo Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, wufuud caalami ah oo ka socotay dalalka Somaliland saaxiibka la ah, haldoor kala duwan oo bulshada qaybaheeda ah, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Masrax si qiimo badan looga shaqeeyey, ayaa waxaa lagu soo bandhigay qayba kala gadisan ee fanka Dhaanto, Saylici, Ceerigaabawi, heeso ka turjumaya qarinimada Somaliland, riwaayado, gabayo iyo buraanbur xiiso badan.

HALKAN HOOSE SI TOOS AH UGA DAAWO MUNAASIBADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here