Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Oo Ka Hadlay Saami-qaybsiga Beelaha

0
817

Boorama (Hargeisa Press.com): Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa sheegay in caqabadaha muddo dheer hor taagnaa in dalka doorashooyin laga qabto ay sabab u tahay maqnaanshaha saami-qaybsiga.

Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa tilmaamay in ka sekow caqabadaha la xaliyay in ay weli jiraan caqabo taagan oo Β u baahan in xal rasmiya laga gaadho, taasoo aanay xataa xisbiyadu ku heshiis ahayn.

Guddoomiye ku-xigeenka oo maanta hadal ka jeedinayay munaasibad lagu qabtay magaaladda Boorama waxa kaloo uu sheegay in aanay cadaalad ahayn in iyadoo weli caqabadahaasi taagan yhiin in doorasho la gallo.

Axmed Yaasiin, waxa kaloo uu ka hadlay tabashadda dhinaca saami-qaybsiga ee ay qabaan bulshadda reer Awdal iyo sida loogu baahan yahay in cabashadoodda wax laga qabto.

Halkan Hoose Ka Daawo Hadalka Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here