Somaliland: Diyaargarawga Xuska 18 May oo Xammaasadiisu Cirka Isku Shareertay

0
956

Hargeysa (Hargeisa Press)- Sannad Guurada 33aad ee xuska 18 May oo ku beegan maalinta Sabtida ee Beri, ayaa si weyn looga dareemayaa Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Ceergaabo, Awdal iyo Berbera, iyadoo ay wufuud ka tirsan xukuumadda u kala baxeen gobollada dalka.

Diyaargarawga toddobaadyadii u danbeeyay la arkayay dhaqdhaqaaqiisa, ayaa loo balamay in la weyneeyo sannadkan, maadaama sannadihii u danbeeyay qaarkood aan munaasibadda la weynayn, isla markaana ay jireen xilliyo la hakiyay xuska sababo kala duwan.

Xaraarada iyo xammaasada ayaa u muuqata mid ka duwan sannadihii u danbeeyay ee saluuga ay ka muujiyeen bulshaddu sida aan loo weynayn, laakiin xuska 18May ee sannadkan 2024, ayaa la dareemayaa sida loo weynaynayo.

Diyaargarawga, ayaa noqonaya sannad-guuradii 33aad, balse maaha guddaha dalka iyo gobollada iyo degmooyinka ee dalalka shisheeye ee Yurub, Maraykanka,, Khaliijka iyo weliba kuwa bariga fog, iyo Koonfurta Eeshiya, ayaa munaasibada 18 May looga diyaargaroobay, iyadoo muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan dalalkaa ay si weyn u samaynayaan xamaasad la doonayo in lagu muujiyo maalinta qaranimda Jamhuuriyadda Somaliland ee 1991, markii ay Somliland lasoo noqontay qaranimadeeda lagaga dhawaaqay shirkii Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer 33 sannadood ka hor.

Kooxaha Fannaaniinta, ayaa ku mashquulsan heeso loo qorsheeyay munaasibadda, iyadoo warbaahintuna dhankeeda u diyaargaroobay sidii loo muujin lahaa xuska munaasibadda, waxaana lagu taxay maalooyinka dalka Somaliland Calanka saddexda midab leh ee tawxiidku ku xardhanyahay, iyadoo goobbaha meheraddaha iyo shaaracyada waaweyn lagu xidhay calanka iyo laydhadh kala nooc ah.

Munaasibadda xuska maalintan oo qiima weyn ugu fadhida qaran ahaan iyo bulsho ahaan Somaliland, waxay dadku kusoo dhowaynayaan niyad wanaag iyo farxad, waxaana isu baxaya sawaxanka heesaha iyo dammaashaadka marba marka ka danbaysa sii xooggaysanaya oo laga dareemayo meel walba.

Ciidamada amaanka, ayaa la geliyay heeggan iyo diyaargaraw si loo sugo amniga, waxayna ciidamada Boolisku bulshada la wadaageen farriimo la xidhiidha dhinaca amniga iyo nidaamka, maadaama ala hakiyo gaadiidka xilliga lagu jiro dabaaldega munaasibadda 18May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here