Madaxweyne Biixi oo Eedo Culus U Jeediyay Xasan Sheekh

0
1726

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa uu ka jeediyay munaasibada xuska 18 May ee maalinta qaranimada Somaliland oo saaka si weyn looga xusay guud ahaan dalka.

Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu khudbadiisa ku soo qaaday heshiiskii ismahan ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, isagoona  sheegay in heer gebo gebo ah uu marayo dhamaystirka heshiiskii Itoobiya ee ku saabsanaa saldhigga Ciidan.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu xusay in wakhtiga dheer ee uu qaatay dhamaystirka heshiiskan uu yahay mid la xidhiidha in dhinacyadu iska hubinayeen waxyaabaha saameynta leh ee lagaga soo noqon kara qodobada heshiiskan ka koobnaanayo.

Sidoo kalena, waxaa uu Madaxweynuhu sheegay in uu dhawaan fulayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, isaga oo sheegay in Soomaaliya aanay joojin karin.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Biixi, uu si adag u dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu xusay i in Soomaaliya haddii ay nukliyeer haysato ay ku dhufan lahayd Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa uu Soomaaliya ku eedeeyay in ay adduunka jahawareerisay oo ay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ka dhigtay mid khatar ah, taasina aanay run ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here