Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Uga Yimid Xoghayihii Hore UDUB

0
662

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa jawaab adag ka bixiyey eedo uu u soo jeediyey Xoghayihii hore Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin.

Waxaanu tilmaamay in eedahaasi yihiin kuwa waxba kama jiraan ah, isagoo si gaarna xaal u siiyey Masuuliyiintii kala duwanaa ee Xisbiga UDUB. Isagoo ka xog waramay qaabka uu Jamaac Cali Xuseen Xisbiga ugu soo biiray iyo shuruudihii lagu xidhay.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan doorashada.

Isagoo ka hadlayay doorashada Wakiilada iyo Saami-qaybsiga, waxa uu yidhi “Dabcan arinta Saami-qaybsiga waa arin aanu u soo wada joognay muddo dheer, 2005-kii  ayaan ogaa iyo wixii ka horeeyey, iyo wakhtigii aan ahaa Xildhibaanka, oo ah wakhtigii uu bilaamay arinkan saami-qaybsigu, oo ah wakhti aad u dheer, oo kaliftay in 2002-kii.

Markii la galay Doorashada Golaha Deegaanka, oo ahayd inay ku xigto Doorashada Golaha Wakiiladu, waxaa dib u dhigay waa Saami-qaybsi, waa laga soo gudbay, waa tii Maxkamadu xukuntay, oo ku xukuntay in maantana la galo Doroashada, dabadeedna tirikoob la galo”.

“Maanta-na halkii bay taagan tahay,maanta anigu sidaan qabo Shacabka Somaliland laba ayuu kala dooranaya, oo arinkani uma yaalo Golaha Wakiilada, ee arinka Saami-qaybsigu waa arin u yaala Madaxweynaha iyo Maxkamadda sare, ee Madaxweynuhu waa inuu Maxkaamadda u qoraa inay buriso qaraarkeedii, qaraarkaasina laba weji ayuu yeelanayaa, kolba kii inoo fudud.

Weji waa in la sameeyo tirikoob, oo Maxkamaddu xukunto in Doorashada lagu galo sidii hore, lix bilood gudahood ilaa sannadna la bilaabo tirikoob, tirikoobkaas oo ugu yaraan qaadanaya laba sanno sida aan anigu is leeyahay, lacagna kolay u baahan, taasi waa qodob, hal cilad buu leeyahay, oo tirikoobka waa laga sameeyn karaa Galbeed oo dhan”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Isagoo hadalka sii watayan waxa uu yidhi “Laakin Bari fog sida looga sameeynayo waa su’aal taagan, oo waxa la leeyahay waa in xaq lagu xukumo wadanka, xaqna wax loo qaybsado.

Markaa ninka jooga Ceelaayo waa in tirikoobka laga qaada, waana arin xaqiiqada ku fadhiya, markaas haddii ay Xukuumaddu ilaa Ceelaayo wadayso, tirkoobka, waa mid inoo fiican”.

Geesta kale madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland mar uu ka jawaabayey eedaha uu u soo jeediyey Xoghayihii hore ee Xisbigii UDUB ayaa yidhi “Burburka Xisbiga gali maayo, sababtoo ah Madaxweynihii hore Daahir Rayaale ayaa xaal ka bixiyey, oo Bahweyntii Xisbigii UDUB xaal siiyey.

Markii uu  ogaaday xaqiiqadii dhabta ahayd, taasna waa loo wada jooga oo Warbaahintu wey og tahay, wax si xun u sheeg sixir ka daran, Xoghayihii hore Xisbiga UDUB, kaligay imuu maagin ee aniga ayuu I maray, Madaxweynaha ayuu maray, Ina Kaahin buu maray, Ceel-afweyn buu galay, halkaas buu dabaashay, Faysal Cali Waraabe ayuu jiidhay, ninkaasi aad buu u hadlay cid kastana uu jiidhay, manayna haboonayn in aan ka hadlo, ninka la yidhaahdo Jaamac Yasiin Jug soo dhacay”.

Waxaanu intaas raaciyay, oo uu yidhi  “Wuxuu nala joogay muddo sannad ah, Maxamed Ismaaciil Bulaale oo ahaa nin weyn oo abqariya, oo ah nin balaadhan ayaa Xisbiga Xoghaye ka ahaa, oo Xisbigu ku fadhiyey, waa kii ILLAAHAY qaatay.

Ninkani wuxuu soo raacay Marxuumka maydkiisi, waana khaldaadka uu Xisbigu galay markii afartan sanno nin wadanka ka maqan lagu bedelay Bulaale, way jireen maalintaas rag aad u guuxay, laakiin waa la xishooday oo mayd baa meesha yaalay, sidaas ayuu ninkaasi nagu soo galay, sannadkii ugu dambeeyeyna uu noo yimid”.

Mar uu ka hadlaayey qaabkii uu Jamaal Cali Xuseen Xisbigii UDUB ku soo galay waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan wax yara iftiimiyo sida uu Jamaal nagu soo galay iyo wadcigii uu Xisbigu ku dhisnaa, Jamaal Cali Xuseen wadanka wuxuu yimid.

Markii Xisbiga UDUB xadka ka baxay, dabadeedna waxaan tagay Gurigii Daahir Rayaale Kaahin, ninkaas oo fadhiya anigu maan aqoon waxaa iskaaya baray Muddane Daahir Rayaale Kaahin, oo yidhi ninkani waa Jamaal Cali Xuseen, oo han buu leeyahay ayuu yidhi, kadibna markii uu maqnay in aanu  naadinay ayuu Tansaniya kala soo hadlay ninka la yidhaahdo Xasan Gadhaweyne, sidaas ayuu ku soo galay, uu yimid.

Waxaanu ku nidhi waa kuwaas shuruudihii, saddex boqol oo kun oo si aanu Xisbigu u hadhin, ayaa la doonayaa,waxaan leeyahay Jamaac Yasiin, waxaad ahayd jug soo dhacay oo UDUB ku dhacay, ee ninkaasi waxba muu sidan, ee marka aanu ku nidhi saddex boqol oo kun baa la doonayaa oo adigu saxeexa leedahay wixi baxaya.

Wuxuu iibiyey baloodho, ee Jaamac Yaasiin wuxuu ahaa Xoghayihii guuldarada ee u horeeyey, ee nalagaga adkaaday Oodweyne”.

Dhinaca kale wuxuu Axmed Yuusuf Yaasiin sheegay in Xoghayihii hore Xisbiga UDUB, uu dalka ka tagay iyadoo si gaar ah loogu leeyahay dayn, uu tilmaamay in Xisbiga UDUB, lagu leeyahay, dayntaas oo uu xusay inuu dalka ka tagay isagoon aan caddaynin qaabka Xisbiga loogu yeeshay.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here