Ciidanka Milateriga Somaliland oo Cuduudooda Ku Soo Bandhigay Xuska 18-May

0
1173

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ciidamada Milateriga Somaliland, ayaa saaka waxaa ay dhoolatus iyo gaardis ku mareen goobta ay lagu qabtay munaasibada xuska maalinta qaran ee 18 May oo dalka si weyn looga xusay.

Waxaanay ciidamada qaranka Somaliland ay halkaasi ku soo bandhigeen cuduudooda kala duwan oo aan hore loo arag, iyadoo wajiyadooda laga dheehanayay farxada munaasibada maalinta qaran ee 18 May.

Ciidamada Milateriga Somaliland, ayaa maalmihii u dambeeyay ku jiray diyaar garow xoogan oo ay kaga qayb galayeen xuska 18-ka May oo Somaliland sannad kasta laga xuso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here