Goolhayaha xulka kubadda cagta Koonfur Afrika oo xalay 4 gool ku laad ka qabtay ciyaartoyda xulka Cape Verde

0
646

Kabtan Ronwen Williams ayaa afar gool ku laad ama rigoore ka qabtay ciyaartoyda Cape Verde ciyaar ka tirsanayd sideed dhammaadka tartanka Qaramada Qaarada Afrika oo xalay ka dhacday Ivory Coast oo sanadkan martigalinaysa ciyaarraha Afrika.

Ciyaaryahannada uu ka qabtay gool ku laadka ee u ciyaarayay Cape Verde ayaa kala ahaa Bebe, Willy Samedo, Laros Duarte iyo Patrik Andrade.

Goolwalaha kooxda Cape Verde ayaa laftigiisu qabtay labo gool ku laad intii ay socdeen rigoorayaasha go’aamiyay in Koonfur Afrika u gudubto afar dhammaadka tartanka Qaramada Qaarada Afrika.

Dalka martigalinaya ciyaaraha ee Ivory Coast ayaa isna si dirqi ah xalay uga badiyay xulka Maali daqiiqadii 120-aad waqtgigii dheeriga ahaa oo ay gool caaqibo leh heleen, iyagoo waliba ku ciyaaraya 10 ciyaartoy oo kaliya kaddib markii kaarka cas loo taagay qaybtii hore ee ciyaarta ciyaartoy khadka dhexe uga ciyaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here