SAWIRO Laga Qaaday Lammaaneyaal Ka Mid Ahaa Dadkii Sannadkan Xajayey Oo Taabtay Shucuurta Malaayiin Qof

0
12446
Sawirkan oo markii barkulannada bulshada lagu faafiyey dadka faallada ka bixiyey ama sii faafiyey ay malaayiin tiradoodu gaadheen

MAKKA, (HargeisaPress) —Sawirqaade Raa’id Lixyaani marna ma’ uu filayn in sawir uu ka qaaday dusha sare ee xaramka Makah uu noqon doono sawirka ugu caansan ee laga faafiyey xajikii sannadkan, barkulannada bulshada ee internet kana uu ka kasban doono shacbiyad aad u ballaadhan.

Lixyaani oo ka warramaya sawirkan yeeshay qiimaha aanu dhaadsanayn markii kamaraddiisu sida kama’a ah u qaadaysay ayaa yidhi, “Sawirkan waxa uu ahaa mid si aan ku talogal ahayn uun ay kamaraddaydu u qabatay maalintii Carafa.

Waa gabadh taagan oo u taagan in ay u hadhayso saygeeda oo tukanaya, si hadhkeedu uu ugu noqdo dalaalimo in uun ka yareeya kulaylka fallaadhaha qorraxda oo maalintaas aad u badnaa. Sawirkan marka koowaad ee la arko waxa loo qaadanayaa gabadh iska taagan oo sugaysa ninkan, laakiin marka sawirka fiidyowga ah la eego ama qofka eegayaa u uu fiirsado waxa la arkayaa in ujeedada ay u taagan tahay tahay in ay u hadhayso saygeeda, waxaa la arkayaa iyada oo rukuucdiisa, iyo ka soo tooska rukuucda iyo sujuuddaba hadba u dhaqaaqaysa dhanka uu hadhkeedu ka gaadhi karo. Xarakaadka jidhkiisa ayaa ay hadba dhan u raacaysay si ay ugu hadhayso” Sawirqaadi Lixyaani waxa uu sheegay in marka hore uu ka helay sida naxariista iyo kalgacalka leh ee ay gabadhani saygeeda u sugayso, taasina ay ahayd sababta uu sawirkan u qaaday, laakiin markii isaga iyo dadkii muuqaalkani gaadhay ay u fiirsadeen la arkay in xaalku sugid qudha ka fog yahay oo ay gabadhani sida dallaayadda saygeeda ugu hadhaynayso inta uu tukanayo.

Sawirkan oo markii barkulannada bulshada lagu faafiyey dadka faallada ka bixiyey ama sii faafiyey ay malaayiin tiradoodu gaadheen, ayaa uu markii dambe sawirqaaduhu tusay lammaanahan iyaga oo aan cid kale in ay arkayso filayn sida naxariista iyo kalgacalku ka muuqdo u macaamilayey, in kasta oo bilowgii waxoogaa ay ka yara xishoodeen in sawirkoodu sidaa caalami u noqdo, haddana marka ay arkeen sida uu u taabtay shucuurta malaayiin qof oo dunida ku filqan waxa ay ka garaabeen in uu mudnaa in la faafiyo.

Sawirka labaad ee isagana xajka laga soo qaaday ee sidan oo kale muslimiinta dunidu sida aadka ah baraha bulshada isugu dhaafsanaysay ayaa noqday sawirka nin ka mid ah xujaajta oo isaguna dallaayad kor haya xaaskiisa oo tukanaysa si inta ay salaadda dhammaysanayso uu uga dhowro fallaadhaha qorraxda.

In kasta oo aan sawirkan dambe la helin cidda qaaday ama lammaahan aan la’ la kulmin sida kuwa hore oo kale, haddana labadan sawir oo la isku daray waxa ay marag cad ka noqdeen sida ay cibaadada xajku saamaynta ugu yeelanayso quluubta dadka iyo naxariista iyo isu soo dhowaanshiyaha ay ku abuurayso guud ahaan dadka muslimiinta, iyo gaar ahaan lammaanayaasha is qaba.

Qiimaha ay sawirradani yeesheen iyo sida yaabka leh ee loo qaabilay waxa kale oo ay muujisay sida dunida maanta ee nolosheedu sii adkaanayso, isbedellada yaabka lihina ka socdaan meelo badan oo si gaar ah dunida muslimka ugu badan, ay ugu baahan tahay in laga shaqeeyo sidii dib loogu soo noolayn lahaa kalgacalkii iyo naxariistii diinta Islaamku lammaanaha is qabaa fartay in ay ku wada noolaadaan.

Geeska

LEAVE A REPLY