Xukuumada Somaliland Oo baaq qaylo dhaan ah ka soo saartay xaalada abaareed ee dalku ku jiro xiligan.

0
716

 

HARGEISA , (HargeisaPress) —Baaqan oo ku saabsan waxyeelada ay abaartu gaysatay oo taageero lagaga dalbanayo beesha caalamka isla markaana  uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa u dhignaa sidan.

 

“Guud ahaanba waxa dalka Somaliland ka jira abaaro baahsan oo sadex jirsaday gaar ahaana gobolada bariga iyo galbeedka oo ay abaaruhu si ba’an u saameeyeen isla markaana ay sababeen in dhamaan xoolihii la dhaqan jiray ay ka baxeen dadka oo anay waxba ku hadhin habayaraatee, sidoo kalena dadka qaar ay u dhinteen macaluul iyo biyo la’aan, intooda kalena ay geeri qarka u saran yihiin noloshooduna haatan ay marayso meel aad u adag oo u baahan gurmad bini’aadaminimo oo caalami ah.

 

Sidaa darteed, xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa dalalka deeqaha bixiya, hay’adaha caalamiga ah, kuwa qaramada midoobay, kuwa gobolka, kuwa gudaha, ganacsatada iyo dhammaan bulshada Somaliland in loo baahan yahay taakulayn iyo gurmad degdeg ah oo lagu samato bixiyo dadkaasi oo ay xaaladoodu marayso meel aad u halis ah oo aan la eegan Karin”

 

 

 

ALLAA MAAHD LEH

Cusmaan C/laahi Saxardiid (Caddaani)

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dh. Iyo wacyigelinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here