Saddex Qof Oo Ku Dhaawacmay Rasaas Ay Ciidamada Booliska Magaalada Berbera Ku Fureen Dad Isdiiwaangalinayay

0
729

Berbera , (HargeisaPress) β€”Ciidamada Booliiska ee Magaalada Berbera ayaa tacshiirad Rasaas ah ku furay dadwayne tiro badan oo iska diwaan galinayay goobta diwaan galinta oo ku taala Xaafada barwaaqo ee gudaha magaalada Berbera waxaana kudhawaacmay sadex ruux.

 

Ciidamada booliska iyo hawl wadeenada diwaan galinta cod bixiyayaasha ayaa dadwaynahii goobtaasi iska diwaan galinayay ku war galiyey inay dhamaatay wakhtigii loogu talo galay sidaas darteedna ay dadku soo xaadiraan bari subaxa,Hase yeeshee kadib markii ay maqleen dadwaynahii faraha badnaa ee goobtaasi iska diwaan galinayay oo badankoodanaΒ  laga soo daad gureeyey magaalada Hargeysa ay ka biyo diideen xidhitaanka goobtasi.

 

Waxaana goobtaasi ka abuurmeen buuq iyo sawaxan ay sameeyeen dadkii iska diwaan galinayay goobtaasi oo qorshahoodu ahaa in ay isla caawaba ku soo laabtaan magaalada Hargeysa,

 

Kadib ciidamada booliska gobolka Saaxil rasaas ay fureen ayaa Waxa goobtaasi ku dhaawacmay sadex Hablood oo laba ka mid ahi reer Berbera Yihiin halka inanta sadexaad ay ka tagtay magaalada Hargeysa.

 

Cusbitaalka Magaalada Berbera ayaa Dhaawaca Hablahaasi lagu Daweynayaa,waxaana gacanta ku haya daaweyntooda Dhakhaatiirta ka hawlagasha cisbitaalka guud ee Berbera.

 

 

Si kasteba ha ahaatee waxa wararku intaa ay ku darayaan in taliska ciidamada gobolka saaxil ay qabteen askartii rasaasta furtay ee dhaawacday saddexda hablood.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here