Xukumadda Somaliland iyo Kooxda Xidigaha Geeska Oo Ka Hadlay Xadhiga 4 Hoobal Oo Muqdisho Ka Soo Laabtay

0
1284
Singers from the Hargeisa-based Music band Xidigaha Geeska

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Xukumadda Somaliland ayaa xabsiga dhigtay 4 ka mid ah kooxda fannaaniinta Xidigaha Geeska ee fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa, kadib markii ay galinkii hore ee Axadda maanta ka soo dageen Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Fannaaniinta ayaa maalmo ka hor Ciidii waxay ka dageen magaalada Muqdisho, iyagoo ka horna muddo ku sugnaa Nairobi. Markii ay Muqdisho soo gaadheen saxaafadda waxay u sheegeen inay bandhig faneed balaadhan ku dhigi doonaan Muqdisho, islamarkaana damaashaadka ciida maaweelin doonaan dadka fankooda taageera ee reer Muqdisho.

Singers from the Hargeisa-based Music band Xidigaha Geeska 2

Afarta fannaan ee la xidhay ayaa kala ahΒ Β Xamda Quen ,Nimcaan Hillaac , Maxamed Axmed Bakaal , iyo Cabdiraxman Caydiid Cabdi {Oday}.

Fannaanada Khadra Sinimo oo ka tirsan hogaanka kooxda xidigaha geeska ayaa sidan u sharaxday sidii loo xidhay fannaaniinta β€œXalay ayay Fannaaniintu nala soo hadleen oo yidhaahdeen waanu soo soconaa, saaka anagoo ku sugayna Madaarka ayuun baa nalagu yidhi waa la qaaday, xaggee la geeyay markaanu nidhina cidiba way noo sheegi wayday, sidii ayaanu ku soo baxnay, aakhirkiina way xidhan yihiin ayaa nalagu yidhi in Saldhiga su’aalo lagu waydiinayana way ila tahay.”

Xidigaha  muq 6

Fannaanada ayaa Khadra Sinimo, waxay sheegtay inay u arkaan in fannaaniintu tagi karaan halkay doonaan islamarkaana xor u yihiin inay fankooda la wadaagaan dadka Soomaalida ah. Waxay sheegtay in ugu yaraan 6 ka mid ah kooxda Xidigaha geesku mushahar ka qaataan dawladda, kana mid yihiin shaqaalaha rasmiga ah ee dawladda.

Xidigaha  muq 2

Wasiir kuxigeenka dhinaca maamulka gobolada ee wasaaradda daakhiliga Somaliland Axmed Faarax Caddarre, ayaa isna BBC-da u sheegay in fannaaniintu ku xadgudbeen shuruucda Somaliland β€œHoobalada la xidhay waxay u fasax qaateen Nairobi, waxay ka been sheegeen arrintaasi, dabeed waxay tageen Somalia, iyagoo dabeedna arrimo kale galay oo sidaad Tv-yada ka daawateen Calankii Somalia ay ka muuqanayeen, markaa waxay ku xadgudbeen xeerkii u yaalay Somaliland, sababtaas awgeed ayaa loo xidhay,” ayuu yidhi Wasiir xigeenku.

 

Waxa uu intaasi raaciyay β€œFannaaniinta Somaliland ee qaranimada ka turjumaya xeer baa u yaala oo ahaa fannaaniinta iyo siyaasiyiintu waa astaanta metesha qaramada, waxayna ka tirsan yihiin shaqaalaha dawladda waanay xadgudbeen. Waxay ku jiraan shaqaalaha dawladda oo ay mushahar iyo gunno ka qaataan.”

Singers from the Hargeisa-based Music band Xidigaha Geeska
Singers from the Hargeisa-based Music band Xidigaha Geeska

Maalmihii u dambeeyay baraha bulshadu ku kulanto ee Internet-ka ayaa lagu falanqaynayay tagitaanka Kooxdan ee Muqdisho, iyadoo shacabka Somaliland muujinayay siday uga xun yihiin, halka shacabka Muqdisho muujinayay inay astaan u yihiin midnimada Somalia.

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here