Madaxweyne Siilaanyo Oo Saaka Dalka ka Ambabaxay iyo Kulankii Daahir Rayaale + SAWIRRO

0
986

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa subaxnimadii hore ee axadda manta u ambabaxay safar ujeedkiisa lagu sheegay mid shaqo ugu ambabaxay dalka Ireland, waxaanu sii mari doonaa Dubai.

sillanyo safar 3

Madaxweynaha waxay ku kulmeen qolka Martida ee Garoonka Diyaraha ee Cigaal International Airport Madaweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa Huda Barkhad Aadan oo ay weftiga madaxweynaha Qaranka isku Diyaarad ka raaceen Hargeysa, iskuna gacan qaadeen halkaasi.

siilaanyo  safar4

Madaxweynaha oo saxaafada warbixin ka siiyey safarkiisa shaqo ayaa yidhi “Waxaan jecelahay in aan faahfaahin kooban idinka siiyo socdaal rasmi ah oo aan maanta ugu ambabaxaayo wadanka Ireland oo aan ku tegayo booqosho rasmiya.

sillanyo safar 6

Waxaanan kulamo aniga iyo weftiga ila socdaa aan la yeelan doonaa hadii alle idmo madaxweynaha IRELAND iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan isla wadankaasi, anigoo kala hadli doona qadiyada Somaliland iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada wadan, Isla markaana waxaanu u bandhigi doonaa aragtida qaranka Somaliland ee ku wajahan xaqa shacabka Somaliland ay u leeyihiin dawladnimadooda oo muddo dheer dhinac-dhaqaale, degenaansho, siyaasadeed, iyo dawladnimo ka turjumaysa rabitaanka shacbiga Somaliland ay dadka reer Somaliland ku guulaysteen, una baahan yihiin in gacan laga siiyo hawlahaasi ay ku mashquulsan yihiin dawlada iyo shacbiga Somaliland.

SIILAANYO IYO DAHIR

Socdaalkani wuxuu ka mid yahay socdaaladii aan horeba ugu tegi jiray wadamada caalamka si aan ugu bandhigo, uguna qanciyo beesha caalamka waxa ay mudan tahay Somaliland in laga yeelo.

Waxanan sii mari-doonaa Imaaraadka Carabta ka dibna waxa aanu uga sii gudbi doono Ireland. Shacbiga Somaliland waxaan ku waaninayaa in sidii ay awalba heeganka ugu ahaayeen nabadgelyada qaranka ay sii xoojiyaan.”

sillanyo saf

Madaxweynaha waxa safarkiisa shaqo ku wehelinaayey
1. Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde
2. Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan
3. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md. Cali Axmed Cali
4. Weriye Muniir Axmed Cigaal oo ka socday Tv Qaranka

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here