Daawo Muuqaal: Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland Oo si iskood ah uga Heshiiyay Gacan ka hadalkii Dhex-maray

0
744

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo kuxigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax, ayaa maanta ka heshiiyay dagaalkii feedh-feedhka ahaa ee hore u dhexmaray.

Fadhigii golaha ee maanta ayaa labada guddoomiye isku laabxaadheen islamarkaana golaha hortiisa ka muujiyeen siday arrintaasi isaga saamaxeen.

Guddoomiye Cirro iyo kuxigeenkiisa Baashe ayaa bulshada Somaliland ka raaligaliyay dhacdadii sababtay inay is feedhaan, waxaanay golaha waydiisteen in arrintaasi laga cafiyo.

ciro bash

Labada guddoomiye ayaa arrintan si iskood ah isaga saamaxay iyadoo aanay jirin cid dhexdhexaadisay, balse waxaa wali taagan khilaafkii haamaha ee labada masuul isku gacan saareen, kaas oo la filayo inuu mar kale mooshinkiisu golaha ka sii socdo, inkasta oo fasax laba bilood ah goluhu galay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here