Xisbullaah Oo Gantaallo Ku Weerartay Israa’iil

0
561

Bayruut (Hargeisa Press.com): Kooxda Shiicada ah ee ka dhisan dalka Lubnaan ee Xisbullah ayaa maanta dhawr gantaal oo kuwa lidka Taangiyada ah ku ridday Woqooyiga Israel.

Iyagoo ujeeddadoodu tahay inay aargoosi ka sameeyaan weerraro lagu soo warramay inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel ka fuliyeen magaalada Bayruut todobaadkii la soo dhaafay.

Sida ay sheegeen taliska Milatariga Israel, laba ilaa saddex gantaal oo kuwa lidka Taangiyada ah oo laga soo tuuray Lubnaan ayaa lagu garaacay saldhig ay ciidanku leeyihiin iyo xarun ay yaalleen gawaadhi badan oo kuwa milatariga Israel ah.

Ma jirin wax khasaare ah oo ay gantaalladaas geysteen, sida ay Israel shaacisay.Laakiin, ilo wareedyo dhinaca Xisbullah ah ayaa sheegay inay weerarkaas waxyeello ay ugu geysteen Israel.

Milatariga Israel ayaa xaqiijiyay inay falkaas kaga jawaabeen hubka artillery-ga ee ka dhaca taangiyada iyo kuwo ay ka rideen diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Ilaa 100 gantaal oo artillery ah ayey Israel sheegtay inay la beegsatay xarumo ay leeyihiin Xisbullah oo ku teedsan xadka ay Lubnaan la wadaagaan.

Milatariga Lubnaan ayaa dhawaan sheegay inay diyaaradaha drones-ka Israel gudaha u galeen hawadooda, ayna hub aan la garaneynin noociisa ku rideen keymaha u dhaw xadka.

Xisbiullah, oo taageero ka haysata dawladda Iiraan ayaa hore ugu hanjabtay inay qaadi doonto weerarro ka dhan ah Israel.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here