Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Beeniyay Warar Laga Faafiyay

0
602

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibaada Somaliland  ayaa beeniyay warar maalmahan la isla dhex marayay oo sheegayay in uu is casilayo.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa meesha ka saaray jiritaanka warka sheegaya inuu ka tagayo shaqada wasiirnimo, isla markaana aanay jirin warqad iscasilaad ah oo uu madaxweyne Biixi u gudbiyay.

Wasiir Faratoon,  oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa,  ayaa wararka laga faafiyay ee la xidhiidha caafimaadkiisa ku tilmaamay habaar.

Isagoo  ka hadlayay jiritaanka arrintaasi waxa uu  yidhi “Isma casilayo. Isma-na casilin, wax alla wax ka jiraana ma jiraan. Waa been ee waxba kama jiraan. Waa wax been ah, waana wax aanay waxba ka jirin.

Waan caafimaad qabaa. Wax xanuun ah anigu macaan baan leeyahay. Dadka waxaas la wareegayaa, way habaartamayaan. Soomaalidu-na waxay tidhaahdaa isla hel, ana isla hela ayaan leeyahay”.

Wasiir  Faratoon, waxa kaloo uu sheegay in sababta keentay in uu muddo badan dalka dibadiisa ku maqnaado ay tahay  maadaama oo wasaaradda arrimaha dibadda shaqadeedda ugu badani tahay xidhiidhka dalalka caalamka.

“Maya. Waa wax la abuurayo. Aniga socodkaygu wuu badan yahay. Wasaaradda mudadii aan joogay, inta aan joogo, ee aan xafiiska fadhiyo iyo inta aan maqanahay ee aan dibadda ka shaqaynayo , waxaa badan inta aan dibadda ku maqanahay”ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Geesta kale wararkan uu wasiirku beeniyay ayaa waxay sheegayeen in wasiirku sababo u gaar ah uu isu casilayo, isagoo wasiirku muddooyinkii u dambeeyay dalka dibadiisa ku maqnaa.

Sidoo kale-na isagoo dalka ka maqan uu wasiirka maaliyadda Sacad Cali Shire, xilkiisa si ku-meel gaadh ah u sii hayay. Isagoo arrintaasi ku tilmaamay in ay wax caadiya tahay haddiiba uu wasiirka maaliyadu magaciisa cid ku qaabilo.

Wasiir Faratoon, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Sacad, waa ninka arrimaha dibadda marka ay noqoto Somaliland mudooyinkii danbe ugu xog ogaalsanaa, ugu aqoonta badan, ugu-na dhaw.

Haddii marka aan maqanahay uu cid la kulmo, oo uu magacayga kula kulmo, waxaan u arkaa in ay tahay arrintii loo baahnaa.

Wax cuqdad ah oo ku jira iyo wax  aan la yaabsanahay iyo wax aan diidanahay  iyo wax is bedel ah oo dhacayna ma jiraan. waa wax la abuurayo waxa aad sheegaysaa”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here