Xasan Sheekh oo Kala Diray Golaha Dhaqaalaha Soomaaliya

0
628

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa is-bedel ku sameeyay golaha dhaqaalaha Soomaaliya, isaga oo sidoo kale kala diray xubnihii hore ee golahan oo isugu jiray shan xubnood oo Soomaali ah iyo afar xubnood oo aan Soomaali ahayn, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Golaha Dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa waxaa bishii July ee sanadkii 2018 magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna Soomaaliya kala talinayeen arrimaha siyaasadda dhaqaalaha, fulinta qorshaha dowladda iyo isku dubbaridka kheyraadka.

Waxaa guddoomiye u ahaa Dr. Cali Ciise Cabdi, waxaana xubnihii ajnabiga ahaa ee ka mid noqday golahan ka mid ahaa Abdalla Hamdok oo markii dambe Ra’iisal Wasaare ka noqday waddanka Sudan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madaxweyne LR.62.” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Golaha Dhaqaalaha Soomaaliya, waxaa guddoomiye ka ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka Ra’iisal Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, waxayna hore uga koobnaayeen sadex heer, iyada oo hadda lagu soo koobay laba heer, sida lagu yidhi qoraalka Villa Somalia, kuwaas oo ka ah;

1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin, kaas oo ay xunbo ka yihiin Madaxweynaha Ra’iisal Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ‘marka loo baahdo go’aan ka gaadhista qodobbo saamaynaya

2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imanaya Xafiiska Madaxweynaha, sida ku cad wareegtada madaxweynaha. Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha.”

Xubnaha cusub ee uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh oo dhammaantood Soomaali ah ayaa kala ah;

1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud.

2.Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin

3.Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin.

4.Adam Xuseen Rooble, Xubin.

5.Nimco Maxamuud Sakal, Xubin.

6.Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin.

7.Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin.

8.Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin.

9.Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here