Shirkii Golaha Wasiirrada oo Lagaga Hadlay Arrimaha Doorashooyinka Ee Khilaafku Ragaadiyay

0
1221

Hargeysa (Hargeisa Press) – Shirkii golaha wasiirrada Somaliland ee maanta, ayaa waxaa lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka khilaafku ragaadiyay ee aan si dhab ah loo ogayn xilliga ay dalka ka qabsoomayaan.

Fadhiga golaha wasiirrada oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyadda, ayaa lagu soo qaaday arrimahaa iyo kuwo kale oo la xidhiidha xaaladda amniga dalka.

Fadhigaa oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday qodobbo muhiima oo la xidhiidha horumarinta arrimaha Qaranka, ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay shirka kaddib.

β€œUgu horrayn, waxa uu golluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed oo ka warbixiyay xaaladda guud ee la xidhiidha amniga, isagoo wasiirku xusay inay ku ammaanan yihiin Ciidammada kala duwan ee dalka oo marwalba garab ka hela Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.”

Qoraalka, ayaa sidoo lale lagu xusay in goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Dr. Axmed Aadan Buuxane oo ka hadlay halka uu marayo qorshaha saddexaad ee horumarinta Qaranka ee (NDP3), oo uu soo gabagaboobay qoraalkiisu kaas oo wax ka tari-doona horumarka dalka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu xusay in goluhu warbixin ka dhegeystay Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dhulka, Cabdullaahi Abokor Cismaan, isagoo ka warbixiyay diiwaangelinta hantida ma guurtada ah ee Dawladdu halka ay marayso, iyadoo ay in muddo ah iska kaashanayeen Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, waxaanu goluhu isku raacay dhammaystirka habraaca summadda Hantida Qaranka ee ma guurtida ah.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Caddaalladda, Saleebaan Warsame Guuleed oo kaashanaya Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Cabdisamad Cumar Maal, ayaa Gollaha u sharraxay wax-ka-beddel iyo kaabis lagu soo sameeyey Xeerka Addeegga Kaalmada Sharci, balse sida lagu sheegay qoraalka golluhu uΒ ballamay inuu dood ka yeesho shirarka dambe.

Qoraalka ka soo baxay shirka gollaha wasiirrada, ayaa lagu sheegay in ugu dambayn, golluhu xusay inay xukuumaddu dhamaystirtay wixii waajibaada ee kaga aaddanaa dhinaca doorashooyinka; sida Ammaanka iyo dhaqaalaha, iyadoo raacaysa qorshaha wakhtiga ay guddida doorashooyinku soo cayimaan ee ay ku qaban karaan diiwaangelinta iyo doorashooyinka, waxaanay xukuumaddu ku boorrinaysaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay si nabada ah doorashooyinka u galaan, ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxtooyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here