Cirro: “Waa In 13 November Kahor La Helaa Heshiis Siyaasi Ah”

0
1056

Hargeysa (Hargeisa Press) – Musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in aanu is bedeli doonin mowqifkiisu, hadii aan heshiis siyaasi ah la helin ka hor inta aanu dhamaan muda-xileedka sharciga ah ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Cabdiraxmaan Cirro oo taageerayaashiisa kula hadlay goob fagaare ah, ayaa sheegay in aanu aqbalayn in doorashada la galo, iyadoon mucaaradka lala heshiin.

“Saw doorasho diyaar uma nihin?, saw doonimayno in heshiis lagu galo doorashada?, inshallah ama heshiiska ayaa la gali doonaa, ama go’aan keeni halkii uun buu taagnaan doonaa … beesha caalamka iyo shacbiga Somaliland-ba waxaynu u sheegaynaa in aynu doorasho diyaar u nahay, doorashadii madaxtooyada ayaynu diyaar u nahay” ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in ay tahay in heshiiska la gaadho kahor inta aanay dhamaan 5-tii sanno ee madaxweyne Biixi la doortay, oo ku eeg horraanta bishan November “Waa in heshiis la helaa siyaasi ah 13 November ka hor”.

Si kastaba, Xukuumadda Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka, ayaa isku maan dhaafsan sida ay u soo kala horeynayaan doorashooyinka urrurada iyo ta madaxtooyada, iyadoona mucaaradku ay Ku adkaysanayaan in doorashada madaxtooyadu soo horayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here