Xafladii Daah Furka Diiwaangalinta Gobolka Sool Oo Lagu Qabtay Magaalada Laascaanood Iyo Wakhtiga Ay Diiwaangalintu Ka Bilaabmayso Gobolka + SAWIRRO

0
800

laascanood, (HargeisaPress) β€”Waxaa maanta Hotel xamdi ee Magaalada Laascanood lagu qabtey xaflada daahfurka diwaangalinta codbixiyayaasha ee Gobalka Sool oo malinta Salaasada ah oo ku beegan 23 bishan aynu ku guda jirno ka bilaabmi doonta gobalka sool.

 

Xafladan daahfurka waxaaΒ  ka soo qeyb galay gudoomiyayaashaΒ  saddexda xisbiΒ  Qaran ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE , dhamaan xubnaha gudida doorashooyinka oo uu hogaaminaayo gudoommiyaha gudidaas, wasiiro , xildhibaanoΒ  haween, dhalintaro iyo marti sharaf kale .

 

Ugu horeyn waxaa madashaΒ  ka hadley xubinΒ  u hadleysay gudida doorashoyinka Somaliland waxana uu sheegay in gobalka Sool goobihiisa diwaangalintu ay yhiin 153 goobood,isla markaana ay 25 goobood oo ka mid ahΒ  ay noqon doonanΒ  gobalka BuuhoodleΒ  sidoo kale waxaa diwngalintan ka hawl gali doona 375 gaadhi .

Sidoo kale waxaa madasha ka hadleyΒ  gudoomiyayaasha saddex xisbi ee Somaliland waxaana ay ugu baaqen dhamaan dadweynaha gobalka Sool in ay diwaangalintaasi ka qeyb qaatan oo ay is diwaangaliyaan si ay ula tartamaan bulshooyinka kale ee ku dhaqan gobalada Somaliland isla markaana codkooda ugu ciil baxaan una doortaan masuulka ay aarkaan uu wado danta qaranka iyo masiirka shacabka Somaliland.

 

Gobo gabadii Gudoomiyaha gudida doorashoyinka oo madasha hadaloΒ  kooban ka yidhi waxaa uu shacbig reer Sool uga mahadnaqey sida wacan ee ay u soo dhaweeyeen waxaana uu ugu baqey in y diwaangalinnta ka qeyb qaatan,isaga oo shacabka deegaanada ay ka bilaabmayso diiwaanglintuna ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidanka iyoΒ  shaqaalaha diiwaangalinta ka shaqaynaysa,sidoo kalena ay wada jir uga hor tagaan wax kaste oo khal-khal galinaya diiwaangalinta.

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram:Β @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here