Is rasaasayn Laba Kooxood Ah Oo Goor Dhawayd Ka Dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laascaanood+Kooxaha Dirirtu Dhex Martay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
791
News

Hargeysa, (HargeisaPress) —War deg deg ah oo hadda naga soo gaadhaya magaalada laascanood ayaa sheegaya in goor dhawayd ay laba kooxood  is rasaasayni ku dhex martay garoonka diyaardaha ee magaalada laascaanood.

 

Waxaana labada kooxood  naloo sheegay inay kala ahaayeen koox ka socotay shirkada qaadka ee 571 ama Ina Af-diinle iyo ciidamada ilaalada madaarka magaalada laascaanood.

 

Israsaasayntani ayaa dhacday kadib markii diyaarad ay leedahay shirkada qaadka 571 ama Ina-afdiinle oo sidday qaad ay soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada laascaanood,taasi oo sida la sheegay la diiday in la cashuuro qaadkii ay sidday diyaaraddu,halkaasina uu ka dhashay muran iyo is qab-qabsi xoogan iyo waliba inay israsaaseeyaan labadii kooxood.

 

Waxaana israsaasayntani markii ay dhacday kadib ay ciidanka ilaalada madaarka magaalada laascaanood naloo sheegay inay  rasaas ay soo fureen ay ku dhacday nin kamid ah kooxda shirkada qaadka 571 oo ka ag dhawaa goobta dirirtu ka dhacday,halkasina uu ku geeriyooday.

 

wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in mudooyinkii u danbeeyeyba uu muran ka taagnaa garoonka diyaaradaha magaalada laascaanood,taasi oo ay isku haysteen laba shirkadood oo qaadka keena magaalada laascanood kuwaasi oo kala ah shirkada qaadka ee 571 iyo shirkada qaadka ee uu leeyahay ganacsadaha Jabuutaawi..

 

Ila hadda lama garanayo sababta kaliftay inay is rasaasayntani dhacdo laakiin waxa socda baadhitaano la taxaluqa sababaha kalifay muranka iyo israsaasaynta labada kooxood.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here