Beesha Bariga Hargaysa Oo Qado Sharaf Ku Maamustay Wasiirka Cusub Ee Duulista Iyo Agaasimaha Cusub Ee Amniga Arimaha Gudaha + SAWIRRO

0
844

“Wasiir waanu kuu hanbalyeynaynaa, waanu kuu ducaynaynaaa, Xilkuna kolay waa meerto oo kolay in badan ayaad soo haysay, waxaanu balan qaadaynaa hadii aanu nahay Beesha Salaadiinteedii iyo Madax Dhaqmeedkeedii in aanu la shaqaynayno labadaas Masuul ee Xukuumadu soo magcawday,” Suldaan Saleeban Boqor Cismaan.

 

“hadal badan waxba odhan maayo, waa waajib wixii aad halkan ka tidhaahden waanu weelaynay, waana suntanay, waanaanu qaadanay, waana ku shaqo tagaynaa, anaga oo horaysiin doona Danta caamka ah ee Qaranka, idinkuna Qaranka ayuunbaad ka mid tihiin,” Wasiir Farxaan

 IMG_643094-906C9C-DEBA84-203CF9-7DFEBA-1BFB51

Hargeysa, (HargeisaPress) —Munaasibad Qado sharf ah ayaa manta lagu qabtay Hutel Kaah ee Magaalada Hargaysa Qado Sharaftan oo lagu soo dhaweenaayey Wasiirka Cusub ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Mudane Farxaan Aadan Haybe iyo Agaasimaha Amniga Wasaarada Arimaha Gudaha Xasan Nuur Abokor, ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Suldaan Saleebaan BoqorCismaan, waxaana ka soo qaybgalay Boqorka Magaado Maxamed Cismaan Nuur, Suldaan Cali Yuusuf (Bada Cas) Maxamuud Cali Maxamed (Baadiye),Jiif Caaqil Jaamac Warsame, Suldaan C/laahi Cabdi Koosaar, C/laahi Xasan Fure,Axmed Maxamed Maxamuud oo dhamaantood munaasibadan ka hadlay kuna nuuxnuuxsaday taageerada aya u hayaan Masuuliyiintan Cusub ee Xukuumadu Magcawday, waxa kale oo Munaasibadan ka soo qaybgalay marti sharaf aad u tiro badan oo ka kala yimi Gobolada Dalka.

IMG_F922CB-34B501-BF35E3-D79913-850B8E-8E4577

Suldaan Saleeban Boqor Cismaan oo ka hadlay munaasibadan ayaa waxaa hadalkiisaa ka mid ahaa:-“ Waxaanu u mahadnaqynaa Madaxweyanaha J/Somaliland ee gartay in labada masuul ee halkan fadhiya uu xilalka u magcaabo, waxaan aad ugu sii maha9d naqayaa, qurba joogii nala joogay ee dhibta nala qaybsaday ee ilaa dagaaladii sokeeye nal joogay, qoxoontigii nala joogay ee intaaba waxqabad haruumar iyo nabadgalyo ka soo shaqaynaayey, oo manta naloo magcaabayna marlaabaad ayaan ugu mahad naqayaa, waxaan kale oo halkan mahad naq uga soo jeedinayaa Wasiirkii hore ee arimaha gudaha oo aanu si fiican u soo wada shaqaynay, waxaanu leenaha Wasiir waanu kuu hanbalyeynaynaa, waanu kuu ducaynaynaaa, Xilkuna kolay waa meerto oo kolay in badan ayaad soo haysay, waxaanu balan qaadaynaa hadii aanu nahay Beesha Salaadiinteedii iyo Madax Dhaqmeedkeedii in aanu la shaqaynayno labadaas Masuul ee Xukuumadu soo magcawday, Suldaan Calina waxaan leeyahay waakii Suldaanku sheegee, horta Wasiirkii Arimaha Gudaha waa la sarifay, halkan lab xil ayaa fadhiya reerka laba xil oo maqana waa loo magacaabay,Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha waata loo magcaabay Ambasadoorka Itoobiya,Ambasadoor kalena reerka waa loo magcaaboo Ustareeliya ah.”

IMG_5A6FA2-3D90FF-E97410-60095A-E48445-F2118E

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Duulista Farxaan Aadan Haybe oo gabogabadii ka hadlay munaasibadan ayaa isna yidhi:“Suldaan Saleebaan  Boqor Cismaan oo inoo soo qaban qaabiyey Munaasibadan Qado sharafta ah, Suldaanka mahad balaadhan ayaan halkan uga celinayaa runtii, hadal badan waxba odhan maayo, waa waajib wixii aad halkan ka tidhaahden waanu weelaynay, waana suntanay, waanaanu qaadanay, waana ku shaqo tagaynaa, anaga oo horaysiin doona Danta caamka ah ee Qaranka, idinkuna Qaranka ayuunbaad ka mid tihiin, waxa Qaranka aanu u hayno ee xilkiisa ah ayaad qayab ka tihiin, wixii aanu u qabanayno ayuunbaad wax ku leedihiin Ceergaabo ilaa halka u Galbeedaysa Qaranka Somaliland, waxa uun odhanayaa manta in aad noogu ducaysan Xilka uu noo igmaday Madaxweynuhu in aanu kamid noqono Gacmahiisa, isagana aanu uga mahad Celinayno, anaguna aanu qirayno in aanu sida hufan uga soo baxno oo sharaftiina iyo milgihiinu ku jiro, idinkana waxa idila e gee aanu idinka eegaynaa waa garab galkiina, waayo Masuuliyadu waa iska imtaxaan oo mid aan Aduunyadayada iyo Aakhiradayadaba aan naga fidmaynin in ay noqoto.”

IMG_CF9296-2236BC-BDDBB8-06DFB4-1DA12A-897ACF

“ Wasaaradan aan anigu tagay khaastan runtii waa wasaarad xaas xaasi ah, Rag baa iiga horeeyay Wasiiro ah, waxaa ugu horeeyay Cali Maxamed Waran Cade oo runtii wax badan ka qabtay, oo bilicdeeda iyo karaamadeedaba runtii qayab ka qaatay, Maxamuud Xaashi oo Wasiirka Madaxtooyada ah ayaa si mug leh  oo miisaan leh oo manta ka dhigay Madaaradeena Amnigooda iyo Adeeguuda   ay ka mid noqdaan Madaarada Caalamiga ah oo uu ugu horeeyo Madaarka Cigaal International Airport, waxa ku xigay Wasiir Cadaani oo mudadii uu joogay runtii wax qabtay, waxa ku xiga Wasiir Cumar yare oo ah Wasiirka aan kala wareegi doono oo runtii isna wax qabtay mudadii uu joogay, waxa weeye intii ay qabteen waanu qoraynaa, inta aanu qabanaynaana way noo suntanaan doontaa maalinta aanu xilka kala wareegno.”

 

Dhinca kale waxaa iyana shirjaraaid oo ay qabteen taageero ugu muujiyey Masuuliyiintan Cusub, Caaqil Siciid C/laahi, Caaqil Maxamed Xandule,Jiif Caaqil Cabdi Yuusuf, Caaqil Bulaale Warsame.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here