Wefti Uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Imaaraadka Carabta

0
898

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa galabta safar shaqo ugu ambo-baxay dalka isu-tagga Imaaaraadka Carabta oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen, una soo diray diyaar khaasa.

Madaxweynaha waxaa Β safarkiisa ku wehelinayaan wasiirrada wasaaradaha Macdanta iyo Tamarta, Diinta iyo Awqaafta, Ganacsiga Wershedaha iyo Dalxiiska,Β  Jaamac Maxamuud Cigaal, Β Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Maxamuud Xasan Sacad, Β oo isagu kaga sii horeeya weftiga dalka imaaraadka.

Safarka madaxweynaha Somaliland ku tegayo Imaaraadka Carabta Β ayaa Β ka danbeeyay marti-qaad rasmi ah oo ay dawladda isu-tagga Imaaraadka Carabta ka heleen.

Waxaana la filayaaΒ  safarkan oo ah mid shaqo inuu qaadan doonaa muddo dhawr maalmood ah.

Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland Β ayaa warbaahinta uga xog-warramay ujeeddada Β Β safarka madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ugu ambo-baxeen dalka imaaraadka carabta.

Waxaanu Β Β Β yidhi,β€œ Waxa uu safarka madaxweynuhu salka ku hayaa xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya waddamada Imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland oo wadaaga xidhiidh siyaasadeed iyo mid ganacsi, isla markaana ay ka dhexeeyaan hawlo horumarineed oo aad u waaweyn. Waxaanu dardargelin doonaa xidhiidhka labada dal.”

Geesta kale safarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Β iyo weftiga uu hoggaaminayaa ugu ambo-baxeen dalka isu-tagga Imaaraadka carabta, ayaa ah kii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo intii uu xukunka dalka qabtay horaantii sanadkii 2018-kii.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here