Haweeney xabsi ku mutaysatay gudniinka fircooniga ah

0
998
Gudniinka gabdhaha ayaa mamnuuc ka ah UK

Hooyo 37 jir ah ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee waddanka UK xabsi ku mutaysta gudniinka fircooniga ah.

Haweeneyda oo u dhalatay dalka Uganda ayaa sanadkii 2017 gurigeeda oo ku yaal bariga London ku gudday gabar ay dhashay oo saddex jir ah.

Waxaa lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah gudniinka awgii iyo laba sano oo dheeraad ah oo ay ku mutaysatay sawirro anshax xummo ah oo ay haysatay.

Garsooraha xukunka ridday ayaa gudniinka fircooniga ah ku tilmaamtay “dembi arxan darro ah oo meel ka dhac ku ah carruurta”.

Haweeneyda ayaa ku dhalatay Uganda, balse sanado badan ku noolayd UK. Gudniinka fircooniga ah ayaa mamnuuc ka ah labadaasi dal.

Hooyadan ayaa maxkamadda u sheegtay in gabadheeda ay meel sare ka soo dhacday, sidaana uu dhaawac uga gaaray xubinta taranka.

Hawlwadeennada caafimaadka ayaa booliska ku wargeliyay dhaawaca soo gaaray gabadha yar, waxaana ay sheegeen “inuu dhiig badan ka baxay”.

Nin ay wadajoogeen haweeneydan oo u dhashay dalka Ghana ayaa lagu waayay dembi ah inuu ku lug lahaa gudniinka gabadha, balse waxaa lagu helay inuu haystay sawirro anshax darro ah, sidaana waxaa loogu xukumay 11 bilood oo xabsi ah.

Kiiskan ayaa noqonaya kii afaraad ee ka dhan ah gudniinka fircooniga oo ay dhagaystaan maxkamadaha UK, balse dhammaan kuwii hore ayaan wax xukun ah lagu ridin.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here