Maalinta Haweenka Aduunka Ee 8 March Oo Laga Xusay Somaliland

0
1208

Hargeysa (Hargeisa Press): Iyadoo sanad walba wadamo badan oo caalamka ah laga xuso maalinta haween-weynaha aduunka ee 8-da bisha March ayaa waxaa maanta looga dabaal-degay xuska maalintaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-galay xuska maalinta caalamiga ah ee haween-weynaha aduunka ee 8 March oo Β lagu qabtayΒ  magaaladda Hargaysa.

Waxaana munaasibadaasi ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada wasaaraddaha dhalinyarada iyo cayaarahaΒ  Boos Mire Maxamed, Shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska, Hinda Jaamac Xirsi,Wasiir Ku xigeenada Gaadiidka Iyo Hormarinta Jidadka Sahal Mohamed Jamac iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Β Saylici, Β oo khudbad ka jeediyay isagoo soo xidhay munaasibada xuska 8-da March ayaa haween weynaha reer Somaliland ku hambalyeeyay munaasibadda 8 March.

Waxaanu ugu baaqay Haweenku inay ka qayb qaataan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa ilaalinta qarannimada Somaliland.

Wasiir Hinda Gaandi, Β oo munaasibadaasΒ  Β hadal ka jeedisay Β ayaa sheegtay in haweenka Somaliland ay ku talaabsadeen horumar muuqda islamarkaana waxa ay door-weyn ka ciyaaraan ilaalinta iyo wadajirka bulshada reer Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here