“Waxaan shacabka u sheegayaa page-ka ay ku qoran tahay ciidamadda booliska in aanu ciidanku lahayn”… taliye Fadal

0
668

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Taliska ciidamadda booliska jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in aanay iyagu lahayn  bog Internet-ka ah oo had iyo jeer lagu baahiyo waxyaabo ku saabsan arrimaha ciidamadda booliska.

Taliyaha ciidamadda booliska jamhuuriyadda Somaliland sareeye gaas C/laahi Fadal Iimaan, oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta taliska booliska Hargaysa ayaa cadeeyay in aanu ciidanka boolisku lahayn.

Waxaanu sheegay taliyaha ciidamadda boolisku in ay  dabal ku haynaan cida ka been abuuratay ciidamadda booliska Somaliand.

Halkan Hoose Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Taliye Fadal:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here