Xarunta SOS Centre Burco Oo Iska Difaacay Eedo Uga Yimid Xisbiga Waddani

0
705

Burco (Hargeisa Press.com): Masuuliyiinta xarunta dhaqan celinta caruurta derbi jiifka ah SOS ee magaaladda Burco ayaa beeniyay hadal ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan garabka dhalinyaradda xisbiga Waddani ee gobolka Togdheer.

Kaasoo sheegay in gaadhi uu xaruntaasi  ugu deeqay madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo la iibiyay, iyagoo si gaara arrinkaasi ugu eedeeyay xildhibaan Mubaarig Bidhi oo ka tirsan golaha degaanka Burco.

Daahir Saleebaan Diiriye, oo ka mida masuuliyiinta xarunta SOS Centre ee magaaladda Burco oo maanta warbaahinta la hadlay  ayaa arrinta la xidhiidha in gaadhigaasi Baska ah la iibsaday ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana baabuurkaasi uu xarunta dhex yaallo oo aanay waxba ka maqnayn.

Waxaanu xusay in ninka sheegtay in uu ka tirsan yahay masuuliyiinta xisbiga Waddani ee gobolka Togdheer ee ku andacooday in gaadhigaas la iibsaday uu dhaawacayo sharafta xisbigaasi.

Daahir Saleebaan, oo ka jawaabayay eedaha uga yimid masuulka sheegtay in uu ka tirsan yahay xisbiga Waddani, waxa uu yidhi “Waxaan ka jawaabayaa hadal ka soo yeedhay nin sheegtay in uu yahay masuuliyiinta xisbiga Waddani ee gobolka Togdheer, gaar ahaana garabka dhalinyaradda.

Runtii anigu ninkaas umaba aqoon nin masuul ah, waxaan ku aqaanay  nin xaafadda Hadan Qaylo kabadhadda Qaadka  isaga qayila, laakiin kuma ogayn masuul.

Wuxuu yidhi Baskii xaruntan uu ugu deeqay madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la cunay, Baskii waaka halkan yaalla, Baanadi kama maqna. Been buu sheegay ninkaasi. Ismana lahayn dadka noocaas ah ayaa ka mida xisbiga Waddani”.

“Xisbiga Waddani ee ku hadlaya wax baa la cunay, wax baa la boobayaa, ummada Somaliland waxaan u sheegayaa in markii aan anigu qiyaasay in xisbiga Waddani u hamuun qabo, in uu mar uun talladda dalka gacanta la soo gaadho, si uu hantidda ummada u boobo”ayuu yidhi masuulkan u hadlay xarunta dhaqan celinta derbi jiifka Burco.

Geesta kale Daahir Saleebaan Diiriye, ayaa  u mahad naqay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xildhibaan Mubaarik Bidhi, oo isagu aasaasay xaruntaasi iyo sidoo kale wasiirka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda Somaliland.

Waxaanu yidhi “Waxaan halkan uga mahad naqaynaa xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ah ninkii xaruntan aasaaskeedii abaabulay, dedaal fara bada-na soo geliyay tan iyo intii ay ku soo gaadhaysay xukuumadda dhexe ee Somaliland oo imika xaruntan gacanta ku haysa.

Waxa kaloo aan u mahad naqaynaa xukuumadda dhexe ee Somaliland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Hinda Jaamac Gaani, marar bada-na halkan timid, wax weyna ka qabatay”.

Sidoo kale Daahir Saleebaan, waxa uu mahad naq u jeediyay badhasaabka Togdheer iyo maayarka Burco oo uu sheegay in uu bixiyay dhul aad u balaadhan oo dhawaan loo dhisi doono xarunta dhaqan celinta darbi jiifka.

“Waxaan iyag-na u mahad naqaynaa badhasaabka gobolka Togdheer iyo maayarka magaaladda Burco oo isna bixiyay dhul balaadhan oo mustaqbalka anfici doona caruur fara badan oo dayacan.

Maadaama ay goobtani kooban tahay, oo aanay wax badan qaadi Karin”ayuu yidhi Daahir Saleebaan.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here