Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Woqooyiga Hargaysa Oo Dad Ku Dhinteen

0
1238

Daarasalaam (Hargeisa Pres.com): Hal qof ayaa ku geeriyooday mid kale-na wuu ku dhaawacmay shil baabuur oo maanta ka dhacay duleedka Woqooyi ee magaaladda Hargaysa, iyadoo shilkaasi ay ka hawl galeen ciidamadda Dab-demiska Somaliland.

Baabuurka shilku haleelay oo noociisu ahaa Bas u socday degmadda Daarasalaam ee gobolka Maroodijeex, kaasoo siday dad rakaab ah iyo bagaash hantiyeed-ba.

Gaadhigan ayaa shilku haleelay xili uu  marayay duleedka Woqooyi ee magaaladda Hargaysa, waxaana halkaa ku geeriyooday hal qof oo dumar ahayd, halka uu qof kale-na ku dhaawacmay.

Kadib markii shilkaasi lagu soo wargeliyay ciidamadda Dab-demiska Somaliland ayaa si weyn uga hawl galay.

Waxaanay u direen gaadhi goobtii shilku ka dhacay gaadhi Wiish ah oo ka toosiyay hal qof oo  Baska dhacay ku jiifsaday.

Halkan Ka Daawo Saraakiisha Ciidamadda Dab-demiska Oo Arrintaasi Ka Hadlay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here