Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Oo xadhiga ka jaray xafiiska gabiley

0
945

GABILEY , (HargeisaPress) —Waxa maanta soo gaadhey gobalka gabiley abaaro 2;00 duhurnimo wafti uu hogaaminayo Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Mudane Cali Sandule ayaa manta  hadaba waxa wasiirka kusoo dhaweeyey xafiiskan cusub ee shaqada iyo arimaha bulshada gobalkani isuduwaha wasaaradni marwo farax maxamed jaamac oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan golaha deeganka iyo badhsasaabka ku xigeenka sido kale isuduwayaal ka socdey wasaaradaha kale ee gabiley sida isuduwaha wasaarada diinta iyo awqaafta.

 

Ugu horayn waxa madashani ka hadley isuduwaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada gobalkani gabiley marwo farax maxamed jaamac iyadoo ka hadashey xafiiskan inuu horsed uyahay xafiisyada kale ee gabiley oo loo baahanyahay in wax lala sida gadiid uu ubaahanyahay iyo qalabaynta xafiiska sidoo loo baahanyahay shaqaale aqoon leh isla markaana wasiirka ka codsatey inuu soo fuliyo baahiyaha xafiiskan oo loo baahanyahay inuu ka qayb qaato baahiyaha arimaha bulshada gabiley oo uu horseedna unoqdo sida aabaro baahsan oo hada ka taagan tuulooyinka iyo deegamada gobalkani gobalkani hoos yimaada sidoo inuu wax ka qabto xafiiskani baahiyaha kale ee bulshada reer gabiley ubaahantahay.

 

Intaa kadib waxa ka hadley badhasaab kuxigeenka gobalka mudane cali case oo hadal fariin ah udiray wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada kuna tilmaamay in wax laga qabto baahiyaha xafiiskani oo ay iyuguna gobal ahaan la shaqayn doonan markasta.

 

Intaa ka dib waxa isuguna ka hadley wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada oo yidhi wasaarad ahaan diyaar ayaanu unahay inaanu wax kasoo fulino baahiyaha xafiiska kana soo fulino balan qaadayna inuu gadiid cusub ukeeni doono wixii kalena uu kala hadli doonan madaxwaynaha oo imika safar gurmad ku maqan dalka Kuwait aad u amaanay isuduwaha xafiiskan cusub waa marwo farax maxamed jaamac farina udiray masuuliyanta gobalkani iney la shaqeeyan xafiiskani cusub.

 

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here