Wasiirka Gaadiidka JSL Oo Ka Qaybgalay Furitaanka Qandaraaska Hubinta Tayada Gaadiidka Oo Lagu Qabtay Boorama+ SAWIRRO

0
867

Boorama, (HargeisaPress) –Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hormarinta Jidadka C/laahi Abokor Cismaan oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi iyo Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka iyo Saraakiil ka xukuumada ka tirsan, ayaa ka qaybgalay furitaanka qandaraaska hubinta tayada Gaadiidka oo lagu qabtay magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama, kaas oo ay ku tartamayeen 28 shirikadood oo soo codsaday qandaraaska islamarkaana ka kala socda Gobolada Dalka.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka C/laahi Abokor Cismaan oo khudbad madasha ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi β€œWaxa aynu maanta halkan u joognaa si waafaqsan xeerka wado marista ee 56, 2013, qodobbadiisa 37, 38 iyo 39 iyo 84 aad oo waajibinaya in gaadiidka Somaliland la mariyo wax loo yaqaano (Inspection) ama baadhis oo lagu ogaanayo tayadooda si loo yareeyo shilalka gaadiidka ayaa inoogu muhiimsan xaqiiq weeyaan wasaaraddu waxa ay xaq u yeelan doontaa haddii ALLE ka dhigo cidii ku guulaysata hawshan inay qaranka u qabato, wasaaraddu waxa ay la gali doontaa heshiis shan sanadood ah, iyagana sida ay gaadiidka u baadhaayaan ayaa loo eegi doonaa haddii ALLE ka dhigo, waxa imika halkan inala jooga nin khabiir ah oo hawshan in badan ka soo shaqaynaayey waxa aanu jecelahay haddii ALLE ka dhigo inaanu ka dhigno Standard ugu fiican ee wax lagu qaban karo wax kasta oo la qabanayaana caqabado ayey leeyihiin suaaalaha u badan ee nagaga soo noqonayey waxa ay ahaayeen dadkeenu dhaqaale ahaan aadbay u hooseeyaan gaadiidka imika soo qaada caanaha ama xaabada waa ay adkaan doontaa marka tijaabadii la mariyo waxa ay noqon doonaan gaadiidka qayb ka mid ah inay noqdaan dhaqan ka bax duruuftaasi waanu ognahay, laakiin wax kasta waxa nagaga qaalisan nafta bani aadamka, marka ay dhaqaale noqoto iyo marka ay naf noqoto waxa aynu eegaynaa xaga nafta, sidaasi darteed waxaanu garanay in la sameeyo, rag ka midΒ  ah waxa ay yidhaahdeen Standard aad qadateen waa kii Jarmalka oo waxa la baadhayaa Monoxide ka inaad Monoxide baadhaana Somaliland waa Impossible, runtii waxaan rajaynaynaa inaanu gaadhno Standard ugu sareeya, waxa aanayu ku dedaalaynaa wixii Standard ah inaynu inagu waafajino, kolay shirkadihiina 28 ka ah ee soo xareeyey 7 ka mid ah uunbaa guulaysan doona anagana waa naga niyadsamaan oo cidna ma wadano”

Agaasimaha guud ee guddida qandaraasyada qaranka Maxammed axmed Xasan (Jamarti) oo madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi β€œMaanta waxa aynu halkan ku furaynaa tartanka qandaraaskii aynu baahintiisii bilawnay 10-kii bisha qaadashadiisuna ay ku ekayd 28 bisha March, isla markaana aynu tartankiisii maanta oo 31 bishu tahay tartankiisu ku farayno caasimada gobolka Awdal ee Boorama wuu inoo furan yahay gacmo furan ku soo dhawaada ayaan idin leeyahay”.

Maayarka magaalada Boorama Saleeban Xasan Xadi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa waxa uu yidhi β€œWaxaan halkan ka salaamayaa weftiga uu hoggaaminayo wasiirka gaadiidka iyo horumarka jidadku iyo masuuliyiinta kale ee la socota mid walba xilka uu qaranka u hayo ayaan ku salaamayaa, farxad baanay ii tahay in maanta marti la noo yahay oo la doonayo in lagu furo qandaraaskan oo runtii ah baahi jirtay oo tayadooda iyo nidaamka ay u shaqaynayaan in la ogaado gaadiidka oo ay muhiim tahay wasaaraduna ay ku talaabsatay ay wanaagsan tahay oo kolay qandaraaskan waa lagu kala guulaysan doonaayoo inta ILAAHEY uu qoray ayaa qaadi doonta oo inta laga badiyaaΒ  yaanay odhanin waa tii Boorama lanagaga badiyee tagi mayno hana la isku haneeyo oo inta ku guulaysatay ha loo haneeyo”.

Badhasaabka Gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi β€œRuntii waxa noo sharaf ah sidii maayarku sheegay gobolkan magaalo madaxdiisa in lagu qabto arintan tartanka qandaraas ah mana aha markii u horeysay ee arrimo lagu qabto, waxaananu ogolahay cid alaale iyo cidii soo baxda ee ILAAHEY calafkooda siiyo”

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarka jidadka Cumar C/laahi Aadan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi β€œAad iyo aad baan ugu faraxsanahay sida fiican ee hawshu inoogu qabsoontay gobolkan Awdalna waan u mahadcelinaynaa martisoorkana astaanbay u yihiin, hadaan u yara daadago MOT, waa kalmad Ingiriisi ah oo Ministry of Transport ayaa loo soo gaabiyey, maadaama oo afkeenu Soomaali yahay oo dastuurkeenana ku xusan tahay waa aynu ka fikiri doonaa magaca cusub ee aynu u bixin doonoΒ ujeedada aanu ka lahayn mashruucani waa badbaado maaha macaashΒ oo ganacsatadu xaga macaashka ayey ka eegayaan, laakiin anaga wasaarad ahaan waxa hawshan na galiyey waa badbaadada dadka Jamhuuriyadda Somaliland, ILAAHEY ayaa wax badbaadiya, laakiin waad ogtihiin shilalku halka ay marayaan dhibaatooyinka ka dhaca waad ogtihiin maalin kasta shilalka dhaca qayb weyn ayey ka yihiin tayo xumada gaadiidku, markaa talaabooyinkii ay wasaaraddu qaadaysay qayb ka mid ah oo aanu doonayno inaanu kaga hortagno ama ku yarayno xadiga shilalka ee dhaca ayey arintani tahay aad iyo aad ayaananu gudida qandaraasyada ugu mahadnaqaynaa sida fiican ee ay uga shaqeeyeen”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here