Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka Hadlay Barashada iyo ku Dhaqanka Dastuurka Somaliland

0
883

Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka oo daah-furtay barnaamij lagu baranayo dastuurka Somaliland

Hargeysa,(HargeisaPress) –Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku baaqay in bulshada ixtiraamto, kuna dhaqanto dastuurka oo uu xusay inuu yahay heshiis bulshadu dhigatay.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka qaybgalay xaflad lagu daah-furay barnaamijka barashada iyo faafinta dastuurka Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in barnaamijkani yahay mid muhiim ah oo faa’iido u leh qaranka Somaliland.

“Waxa sharaf ii ah in aan ka soo qaybgalo barnaamijkan lagu daah-furayo barashada iyo wacyigelinta dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo diyaarisay Wasaaradda u xil-saaran ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, taasoo markii u horaysay la sameeyey si loo qabyo-tiro ama ummadda looga dhergiyo, loona gaadhsiiyo dastuurka Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.

Waxaannu intaas ku daray; “Dastuurku waa wax bulsho meel wada joogtaa ay ku heshiiyaan oo waa heshiis bulsho qoratay oo mudanna inay ixtiraamto, runtiina waxa aan leeyahay waa muhiim ama waa waajib ina saaran dhammaanteenba in aynu barano, kuna dhaqanno dastuurkeena, sababtoo ah qaramada (dalalka) caalamku ama bulshooyinku waxa ay ku kala hormareen, una kala horumaraan sida ay u tix-geliyaan ama u ilaaliyaan waxa ay ku heshiiyeen oo sida dastuurka oo kale ah.”

Waxa kaloo uu ammaan xooggan u jeediyey Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, waxaannu yidhi; “Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka runtii aad ayaan ugu mahadnaqayaa oo markii labaad soo qabanqaabisay xaflad ama munaasibad kor loogu qaadayo dastuurka. Waxa aan leeyahay dastuurku waa hantida koowaad ee uu qaranka Somaliland haysto maanta, waana hantida koowaad ee ugu mudan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland haysto, waana waxa aynu nabadda ku nahay ee ku degannahay, waana ta aynu u baahannahay in aynu dhammaanteenba wada ilaalino, haddii aynu dhammaanteen wada ilaalino qiimaha iyo wanaagga dastuurka (horumar ayeynu ku gaadhi doonaa). Waana mid aad loo soo tafatiray ee muddadaas dheer ee aynu soo marnay ku soo dhismaynay, waana ka maanta ina dhaafsiiyey ummaddaha aynu jaarka nahay ee dimuqraaddiyadda iyo degennaanshaha ay runtii Somaliland ku faanayso waxa aasaas u ah oo sal u ah waa dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.”

“Waxa aad moodaa in badan ayeynu garab marmarnaa oo aynu indhaha ka lalinnaa dastuurka, waxaanna qurux badan in aynu sidiisa ugu dhaqanno dastuurkeenna,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Waxa kaloo xafladaas hadal ka jeediyey Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Md. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo sheegay in ujeedooyinka laga leeyahay barashada iyo faafinta dastuurku ay tahay sidii bulshada muwaadiniinta ah loo gaadhsiin lahaa, loona bari lahaa qodobbada kala duwan ee uu ka kooban yahay dastuurka Somaliland, kaasoo sidoo kale caddeeyey inay qorsheeyeen sidii barashada dastuurka loogu dari lahaa manhajka waxbarashada Somaliland.

“Waxa aannu qorshaynay in dhallinyarada ku jira barnaamijka Shaqo Qaran ay halkooda ku bartaan dastuurka, sidoo kalena ardayda hablaha ah ee ku jira barnaamijkaas ay iyaguna bartaan dastuurka, sidoo kale waxa aannu qorshaynay in dhammaanba laamaha kala duwan ee dowladda in aannu iyagana sidooda ugu qabanno siminaaro lagu barayo dastuurka,” ayuu yidhi Wasiirku.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here