Shacabka Turkiga oo Saaka U Dareeray Goobaha Codbixinta Si ay u doortan Dawlahadaha Hoose + SAWIRRO

0
1147

ISTANBUL – Shacabka Turkiga ayaa u dareeraya doorashada dowladaha hoose oo saaka oo axada ah, doorashooyinkaan ayaa waxaa la qabtaa shantii sano mar. doorashadan waa tii ugu horeysay tan iyo markii dastuurka waddanka afti laqaaday lagu baddaly, is baddaladaas oo madaxwaynaha siiyay awoodo fara badan, sidoo kale waxay imaanayaan sagaal bilood kadib markii madaxwayne Receb Tayyip Erdogan uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimo bishii June 2018 isagoo noqday madaxwayne awoodo fulineed leh “Excutive Presdent”. Waxaa lafilayaa in 57 million oo cod bixiye yaal ah ay kala doortaan 22,000 oo musharrax kuwaas oo ku tartamaya mayarnimada 30 magaalo oo waawayn “Metropolitan” iyo 1,351 dagmo “Districts”. Guddiga sare ee doorashooyinka ayaa shaaciyay in 13 xibsi ay ku tartami doonaandoorashada.

 

Wadanka turkiga oo dawladniamdu daadagsantahay“decenteralized” ayaa dawladaha hoose leeyihiin awoodo ay shaqooyin badan ku qaban karaan iyaga oo aan dowladda dhexe waxba uga baahan, waxay qabtaan shaqooyinka hormarineed, sida hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tayaynta adeegyada bulsho sida biyaha, korontada, nadaafadda, waddooyinka iyo goobaha lagu nasto. Adeegayadan iyo kuwa kale oo badan oo dagmooyinku qabataan ayaa ka kadhigaya hogaanka degmada mid isku xira shacabka iyo xisbiga uu matalayo. Waana meesha ay ka bilaabanayso kasbashada taageerada dadwaynaha.

Doorashadaan waxaa ku loolamaya labo is bahaysi oo waawayn oo midwalba culaysyadiisa iyo caqabadihiisa gaarka ah haystaan. Waxaa muuqanaya tartan aad u adag oo aan waxba la iskula harin sida caadada u ah turkida marka doorasho timaaddo. Isbahaysiga loogu magac daray Isbahaysiga Shacabka “People’s Alliance” oo ay ku midoobeen xisbiga talada haya ee Caddaalada iyo Hormarka AK PARTI iyo Xisbiga mucaaradka ah ee midigta u janjeera MHP.

Labada xisbi ayaa aad isugu dhawaa tan  iyo inqilaabkii dhicisoobay ee dhacay bartamihii sanadkii 2016 kadib. Waxaa la fılayaa in ay codad kahelaan dadka muxafidiinta “Conservativist” iyo Qawmiyiinta“Nationalist” oo udhigma illaa 60% dadka codbixiyeyaasha ah.

Dhanka kale waxaa jira Isbahaysi ay ku midoobeen tiro axsaab ah oo Afar gaaraysa uuna horkacayo xisbiga midigi dhexe CHP, xisbigaan oo ah kan ugu wayn mucaaradka. isbahaysigan ayaa waxaa haysata caqabaddo kala duwanaansho, fikir iyo shaqo. Waxaa lagu eedeeyaa kaliya in ay u midoobeen  in ay kahoryimaadaan xisbiga AK PARTI.

Isbahaysigaan wuxuuu kala qaybsan yahay, axsaab muxaafid ah ama İslaami, kuwa lagu tilmaamo Kemalists, iyo xisbiga Kurdida HDP oo lagu eedeeyo in uu gacan saar laleeyhay PKK oo dawladda turkiga iyo waddamo kale oo caalamkaahi u aqoon sadeen in uu yahay argagixiso.

Labo arrimood ayaa sabaab u noqonaysa sida la saadaalinayo in isbahaysiga madaxwayne Erdogan ay doorashadaan guul ka gaaraan; tan koobaad waa Kala duwanaanshaha, iyo tabardarrida axsaabta mucaaradka oo niyad jab iyo quus ku keentay dad badan oo aan la dhacsanayn siyaasadda xisbiga AK PARTI ee uu Erdogan hogaamiyo iyo in mucaaradka soo saariwaayeen hogaan kartileh oo kasban kara shacabka , tan labaadna waa hormarka muuqda ee baaxaddaleh ee uu horseeday AK PARTI  tan iyo markii ay xukunka la wareegeen sanaddii 2002. Labadaas arrimood oo is biirsaday waxay horseedayaan in is bahaysigabmadaxwayne Erdogan ay doorashadaan guul kasoohooyaan.

Loolanka ugu xooggan ayaa kadhici doona magaalooyinka waawayn sida Isatanbul, Ankara iyo Izmiir, iyada oo xisbiga talada haya uu magaalooyinkan u sharraxay dad waddanka aad loogayaqaanay sida Bin Ali Yildirim oo loo sharraxay in uu u tartamo Mayarka magaalada Istanbul. Yildirim ayaa muddo dheer soo ahaa wasiir,  kadibnna Raysalwasaare markii ugu damabaysyna ahaa gudoomiyaha baarlamaanka.

Sidoo kale dad wasiiro soo noqday ayaa loo sharraxay magaalooyin kale. Arintaan ayaa muujinaysa cabsida ay Isbahaysiga Shacabka iyo gaar ahaan xisbiga AK PARTI ka qabaan in magaalooyinka waawayn ee dalka looga guulaysto. Guul darradaas oo hadday dhacdo muujinaysa hoos udhac shacbiyadda madaxwaynahay isla markaasna xoojinaysa axsaabta mucaaradka.

Guul uu gaaro isbahaysiga madaxwayne RECEP DAYYIP ERDOGAN waxay u fududayn doontaa in uu fuliyo ballanqaadyo iyo qorshayaal dhidibada loogu aasayo nidaamka madaxwayne ee wadanku qaatay. Waxay u ogolaanaysaa in wax laga qabto dhibaatooyinka nololeed iyo sicirbararka. Sidoo kale waxay yeelan doontaa saamayn dhaqaale oo wanaagsan iyada oo dhiirigalin doonta maalgashadayaasha  ajaanibta ah.

Dhanka arimaha dibadda Erdogan waxaa u fududaandoonta latacaalidda xidhiidhka sii xumaanaya ee Turkiga iyo reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka, iyo dagaalka suuriya ee dabada dheeraaday.

Shiine Elmi Kaahin – HargeisaPress News Desk – ISTANBUL

sirshiine@yahoo.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here