Wasaaradda Deegaanka oo Xoolo Dhaqatadda U Fasaxday Seeraha Ban-cawl

0
593

Burco (Hargeisa Press)- Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ayaa maanta si rasmiya xoolo dhaqatadda ugu furtay Seeraha Ban-cawl, ee gobolka Togdheer.

Furitaanka Seerahaasi waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka JSL ee gobolka Togdheer, iyo sidoo kale maamulka gobolka Togdheer, iyo masuuliyiin kale.

Seeraha Ban-cawl, oo ay maamusha wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland, ayaa loo furay si ay uga faa’iidaystaan dadka xoolo dhaqatadda ah ee deegaankaasi.

Waxaa ugu horeyn furitaanka seerahaasi ka hadlay Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbdelka Cimilada ee gobolka Togdheer iyo Maamulaha Wasaaradda Deegaanka ee degmada Burco, waxaanay bulshada Xoolaha dhaqatada ah ee deegankaasi ay ugu baaqeen inay ka faa’idaystaan fursadaasi ay siisay Wasaaradda Deegaanka Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Nafaqo iyo Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Cali Maxamed Faarax, ayaa iyaguna dhankooda fariimo kala duwan u diray dadka Xoolaha dhaqatada ah ee ku nool deegaanada gobolka Togdheer.

Waxaanay wasaaradda deegaanka iyo Isbdelka Cimilada Somaliland uga mahadnaqeen qaabka loo xidhay ee loo ilaaliyay Seeraha Ban-cawl.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here