Faysal Cali Waraabe oo Mugdi iyo Masiibo Ku Tilmaamay Maalinta-Xornimada Soomaaliya

0
2014

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu ka hadlay sanad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ay xornimada ka qaateen dalka Talayaaniga.

Faysal Cali Waraabe oo qoraal ku baahiyay boggiisa Twitter-ka, ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay midnimadii lagu khasaaray ee wakhtigaas dhexmartay Somaliland iyo Soomaaliya ee ay shacabka Somaliland dhibaatada kala kulmeen.

Waxaa uu sheegay in Xuska 1-da July ee xornimada Soomaaliya aanay khusayn Somaliland, islamarkaana ay shacabka Somaliland u arkaan maalin mugdi iyo masiibo ah.

“Xuska 1-Luulyo ee gooni-isu-taagga Soomaaliya ayaan khusayn Somaliland oo maanta oo kale 1-da July, shacabka Somaliland waxay u arkaan maalin mugdi iyo masiibo ah. “ ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in midowgii bilaa shuruuda ahaa ee 1960-kii uu ku guul daraystay bilawgii, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay cafis weydiisato shacabka reer Somaliland.

“Midowgii bilaa shuruuda ahaa ee 1960 kii wuxuu ku guul daraystay bilawgii. Soomaaliya waa in ay cafis weydiisataa reer Somaliland.” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here