Odayaal Dhibaato Loogu Gaystay Deegaanka Baliga-Cas oo Cadaalad Dalbaday

0
1291

Hargeysa (Hargeisa Press)- Qaar ka mid ah Odayaasha iyo Ehelada beelihii ku dagaalamay deegaanka Baliga Cas ee waqooyiga magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ay baaq u direen Xukuumadda Somaliland.

Odayaashan iyo Eheladan oo ka mid ah dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay colaadii deegaanka Baliga Cas oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ay xukuumadda iyo Guddiga dhex-dhexaadinaysa labada Beelood ee arrintoodana gacanta ku haysa ka dalbadeen inay soo saaraan xukun kama dambays ah.

Waxaanay sheegeen inay Xukuumadda iyo Guddigaasi ka dalbanayaan in si deg deg ah ay u soo afjaraan arrintooda islamarkaana ay diyaar u yihiin wixii ay shareeceeda islaamku ka qabto xukunka cidii dhibaatada gaysatay.

Sidoo kale, waxaa ay xukuumadda ugu baaqeen inay soo qabato cidii kiiskaasi gashay ee baxsatay ee ay Odayaashoodu qarinayaan, hadii bay yidhaahdeen la soo qaban waayana ay sharciga gacantooda ku qabsan doonaan.

Odayaashan, ayaa waxaa ay ugu dambayntii dalbadeen in arrinta kiiskooda lagu garnaqo Maxkamadaha dalka oo lagu kala saaro labada beelood ee waxkala tirsanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here