Wasaaradda Deegaanka JSL Oo Qaybisay Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya

0
338

Hargaysa (HP): Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL ayaa maanta Gir-girayaasha Dhuxusha Beekhaamiya u qaybisay qaar ka mida dadka Danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Hargaysa, iyo Burco.

Gir-gireyaashani oo ah kuwa dalka gudihiisa lagu sameeyo, ee ay farsameeyaan dadka Tumaaladda ah ayaa 500 oo ka mid ah laga qaybiyay caasimadda Hargaysa, halka 500 oo kalena laga qaybiaya Burco.

Qaybinta Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya ayaa looga dan leeyahay in hoos loogu dhigo isticmaalka Dhuxusha oo ka qayb qaata xaalufka iyo nabaad-guurka deegaanka, iyo in la dhiiri geliyo dadka farsamo-yaqaanadda ah ee sameeya Gir-gireyaashaasi.

Iyadoona Gir-gireyaashani ay qayb ka yihiin mashruuc ay in muddo ah soo wada fulinayeen wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP.
Mashruucaasi oo muhiimadiisu ahayd yaraynta Dhuxusha, sida uu sheegay Caydaruus Ismaaciil Muuse, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, oo hadal ka jeediyay madashii qaybinta Gir-gireyaashaasi ee magaaladda Hargaysa.

Caydaruus Ismaaciil Muuse, agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ugu waaweynaa ee laga faa’iiday mudadii uu mashruucaasi soo socday.
Gir-gireyaashani ayaa 500 oo ka mid ah lagu sameeyay gobolka Togdheer, gaar ahaana magaaladda Burco, halka 500 boqol ee kalena lagu sameeyay magaaladda Hargaysa.
Waxaana mashruucaasi ka gacan siiyay wasaaradda deegaanka Somaliland haayadda UNDP iyo haayadda Waddaniga ah ee Candle Light.
Iyadoona madashii qaybknta Gir-gireyaashaasi ee magaaladda Hargaysa ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka kala socday haayadahaasi.

Agaasimaha Haayadda Candlight  Cabdirisaaq Bashiir Libaax, oo isna ka halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in la filayaan in Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiyaa ay isticmaalka Dhuxusha hoos u dhigaan 50%.

Geesta kale Cabdi Abokor, oo ka socday haayadda UNDP oo wasaaradda Deegaanka Somaliland kala shaqaysa arrimaha bad-baadinta deegaanka ayaa sheegay in mudadii uu mashruucani soo socday inuu wax badan ka qabtay daryeelka deegaanka.
Waxaanu tilmaamay in hadda lagu jiro qaybtii ugu danbaysay ee mashruuca maadaama ay muddo sanad iyo dheeraad ah soo wadeen.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here