Siyaasi Cali Gurey oo Hal Arrin Ku Eedeeyay Madaxweyne Biixi

0
2400

Hargeysa (Hargeisa Press) – Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay faro gelin qaawan oo uu sheegay inuu ku hayo Guddiga Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland.

Cali Gurey oo qoraal ku baahiyay boggiisa Facbooga, ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinku yahay mid madaxbanaan oo dhex u ah dhinacyada tartamaya ayna u xilsaaran yihiin hawshooda, isla markaana ay haboon tahay in Madaxweynuhu faro gelinta ka daayo oo uu sharciga u hogaasamo.
 
Wuxuu sheegay hadii Madaxweyne Biixi uu faraha kula jiro shaqada Komishanka uu tuhun imanayo oo ay lumin karaan kalsoonida saamilayda kale ee doorashada, ee kala ah daneeyeyaasha shisheeyaha iyo xisbiyada mucaaradka, oo ah dhinacyadii taageeray muddadii ay sheegeen in doorasho ay ku qaban karaan.
 
“Hadii uu yahay komishan madaxbanaan oo dhex u ah dhinacyada tartamaya hawshooda iyaga ayaa u xilsaaran ee farogelinta ha ka daayo oo sharciga ha u hogaasamo isga laftiisu. Hadii kale uu goor iyo ayaan faraha kula jiro tuhun baa iman oo way lumin kalsoonida saamilayda kale ee doorashada madaxtooyada hadii ay yihiin daneeyayaasha shisheeyaha ah iyo hadii ay yihiin xisbiyada mucaaridkaba, oo ah dhinacyadii taageeray muddadii ay sheegeen in doorasho ay ku qaban kraan. Doorashada ay ka hadlayeenna laguma muransana ee waa ta madaxtooyada ee aanay jirin wax ka dhiman sharcigeeda. Taas oo ay hawsheeda kala wareegeen komishankii hore.”. ayuu yidhi Siyaasi Cali Gurey.
Faro gelinta Madaxweynaha ayuu ku tilmaamay mid ku salaysan doorasho diid oo ay u dheer tahay ” Ila Meerayso”, uu damacsan yahay in aanay dalka ka qabsoomin wax doorasho ahi, si uu kursiga ugu sii fadhiyo, oo cidii waa sidee tidhaa ama tiisa ka hortimaadana ay tahay xalka uu garanayo ee keli ahi ‘Xadhig iyo Xabbad’.
“Hadaba Labaclabacdan kale iyo isyeelyeelkan oo dhan waa la fahmi karaa oo waa shuqul doorasho-diid weliba ay u dheer tahay ILA MEERAYSO si aan wax doorasho ahi dalka uga qabsoomin, isaguna kursiga iskaga fadhiyo. Ciddii waa sidee tidhaa ama tiisa ka hortimaadana xalka uu garanayo ee keli ahi waa “xadhig iyo xabbad” aan cidna wax dan ahi ugu jirin isagana ku dhehoo”. ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Siyaasiga, ayaa geesta kale sheegay in Madaxweyne Biixi uu faray Komishanka Doorashooyinka in doorashada ururrada ay marka hore qabtaan, ka dibna saddexda xisbi ee soo baxa ay u qaban doonaan doorashada madaxtooyada.

Wuxuu tilmaamay hadii Komishanka Doorashooyinku ay amar Madaxweyne ku shaqeeyaan ay qabaan amarkii la siiyay maalintii la dhaariyay saddexdii xubnood ee u dambeeyay.

“Komishanka Doorashadu hadii amar Madaxwayne ku shaqeeyaan way qabaan amarkii oo maalintii sadexdii xubnood ee dambe la dhaarinayay amar cad waa kii siiyay. Wuxu faray in doorashada ururda ay marka hore qabtaan, ka dibna sadexda soo baxa ay u qaban doonaan doorashada madaxtooyada. Markaa komishanku wuu qabaa amarkii uu siiyayee yaanu inaga ina wareerinin.” ayuu yidhi Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf ‘Cali Gurey’.

Siyaasi Cali Gurey, ayaa sheegay in Doorashada lagu muransan yahay ay tahay ta Madaxtooyada ee aanay jirin wax ka dhiman sharcigeeda. Taas oo ay hawsheeda kala wareegeen komishankii hore.

Si kastaba, siyaasi Cali Gurey oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Biixi, kana mid ahaa siyaasiyiintii doorka weyn ka qaatay inuu ku guulaysto doorashadii madaxtinimada ee uu kaga guulaystay mucaaradka, ayaa sannadihii u dambeeyay mucaaridad xoogan kala horyimid xukuumaddisa, isagoo aan ku qanacsanayn qaabka uu wax u wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here