Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo Shaacisay Tartanka Orodada 10Km

0
497

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdrashiid Caydiid Yaasiin, ayaaΒ  shaaciyay Tartanka Orodada 10Km oo lagu qaban doono Magaalada Hargeysa 10/05/2024 oo ku beegan maalinta Jimcaha ee fooda innagu soo haya.

Tartankan oo ay maal galisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, sidoo kalena uu fulinayo Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud, ayaa waxa ka qayb geli doona cid kasta oo xiisaynaysa inay ka qayb gasho tartankaas.

Agaasime Cabdirashiid Caydiid, ayaa u mahadnaqay Ciyaaryahan Axmed Muxumad oo ah Orodyahan ku nool wadanka Maraykanka iyo Dhallinyarada Dalbo Food oo gacan muhiim ah ka geystay dhinaca abaalmarinta tartankan.

Agaasimaha, ayaa sidoo kale aad ugu mahadnaqay Ciidanka Police-ka iyo Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo door weyn mar walba ka qaata tartannada Orodada iyo Ciyaaraha kala duwanba.

Geesta kale, Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha FududΒ  Maxamed Xasan Nageeye, ayaa ku dheeraaday muhiimada uu tartankani u leeyahay dhallinyarada SomalilΓ nd isagoo shacabkana ka codsaday inay u soo baxaan oo ay dhiirigalyaan dhallinyaradooda.

Waxaa uu sidoo kale madasha shaacinta tartankan ku sugnaa Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Mustafe Cali Nuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here