Guddida Doorashooyinka Somaliland oo Hirgeliyay Hantidhowrka Nidaamka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

0
1115

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa markii ugu horaysay hirgaliyey Hantidhowrka Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha.

Komishinka Doorashooyinka Qaran isaga oo kaashanaya Midowga Yurub (EU) iyo Hay’adda Natherland Institute for Multiparty Democracy (NIMD), Waxa uu heshiis shaqo la galay khabiir madax-banaan oo takhasus u leh shaqadan.

Khabiirka oo shaqada ku jiray muddo laba todobaad ah, isla markaana soo gabagabeeyey wejigii koowaad ee hantidhowrka ayay maanta Komishinka Doorashooyinka Qaran u sameeyeen kulan sogootin ah.

Hantidhowrkan madaxa-banaan ee lagu samaynayo Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha Somaliland, ayaa waxaa uu kor u qaadayaa kalsoonida daneeyeyaasha doorashooyinka Somaliland.

Waxanu nidaamkan hantidhowrka ee Guddida Doorashooyinku hirgeliyay uu horseed u yahay fullinta doorashooyinka xor iyo xalaal ah oo daahfuran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here