Shimbir Ay Somaliland Xaalad Caafimaad Ugu Qaaday Jabuuti oo Geeriyooday

0
1424

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay shaacisay inuu dhintay Shimbir dhawaan uu dhaawac ka soo gaadhay garabka, kadib markii uu ku dhacay Xadhkaha Korontada.

Shimbirka, ayaa ku dhintay magaalada Lowya Caddo oo ka tirsan gobolka Awdal, iyadoo loo sii waday dalka Jabuuti halkaas oo la doonayey in lagu soo daaweeyo.

Sida ay sheegtay Wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland Shugri Baandare, Shimbirka, ayaa ka mid ahaa noocyada ka sii dabar go’aya deeganada Somaliland, iyadoo sababta loogu dadaalayay ay Wasiirku ku sheegtay in lagu yareeyo dabar go’a shirka Gallaydhka.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka Cimilada Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay in shimbirka ay u sameeyeen dadaal walba oo lagu dabiibayo ayna Somaliland muhimad gaara u leedahay daryeelka xayawanaadka.

Waxay sidoo kale faah-faahin ka bixisay sababta keentay in shimbirkan uu geeriyoodo intii lagu guda jiray dadaalka dabiibkiisa maadama loo qaaday dalka Jabuuti, iyadoo marka hore sharraxaad kooban ka bixisay qaabka shilku u dhacay iyo sida lagu soo helay markii hore.

β€œShimbirkan, waxaa lagu qiyaasay ilaa 8 bilood meelahaa, muuqaal ahaan wuu weynaa waxa uuna ku dhacay xadhkaha laydhka taas oo keentay in dhaawac culus uu garabka ka soo gaadho”, ayay tidhi Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil.

Wasiiraddu waxa ay sheegtay in shimbirku marka uu xadhkaha ka soo dhacay ay soo heleen carruur Meesha ku ciyaareysay, kadibna ay geeyeen meel ay yaqaanneen oo lagu xanaaneeyo Hariimacadka, taasina ay sababtay in sidaas wasaaradda lagu soo gaadhsiiyo.

β€œHalka la geeyay shimbirka waxaa joogtay dhakhaatiir, waa lala tacaalay, sawir ayaa laga soo qaaday oo waxa aynu ogaannay in garabka uu ka jabay, muddo ayaa halkii lagu hayay oo la’isku dayay in Meesha lagu dabiibo, kadibna waxaa la helay dhakhtar ku sugan Jabuuti oo yidhi aniga ha la’ii keeno”.

Intaa kadib waxa ay Wasiir Shugri sheegtay in ay ka howl galeen sidii shimbirka loogu dhoofin lahaa Jabuuti, waxa ay dhameeyeen waraaqihii xagga dowladda, kadibna ay waraaqo ka dhinadeen dhinicii kale.

β€œWaraaqihii xaga Somalilad marka ay ka soo dhamaadeen ayaa marka uu marayay dhinaca xudduudka, waxa ay waraaqo ka dhinaadeen dhinicii kale ee Jabuuti, intii la sugayayna nasiib xumo Shimbirkii halkii ayuu ku geeriyooday”, ayay sii raacisay Wasiir Shugri Baandare.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sidoo kale ka baroor diiqday dhimashada shimbirkan, iyadoo ay dadku siyaabo kala duwan u qaadaa dhigeen.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxa ay sharraxaad ka bixisay haadda uu shimbirkan kamid yahay ee ka sii dabar go’aya dhulka Somaliland iyo dhulka kale ee Soomaalida iyo sida ay wasaaraddeedu ugu howlantahay ilaalinta xayawaannada muhiimka u ah deegaanka.

β€œMarka aad eegto dhulkeenna Soomaalida, waxa aad mooddaa in ay haaddu ku soo yaraaneyso, waxa uu kamid ahaa haadda sii dabar go’aya, waxa uu kamid ahaa kuwa cajiibka ah ee inoo hadhay markaa wey wanaagsanaan lahayd in aynu ilaashanno waana ku dadaaleynaa”, ayay tidhi Wasiir Deegaanka Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Wasiir Shugri, ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in ay jiraan shimbiro kale oo sidan oo kale la soo helay iyaga oo ay waxyeello soo gaadhay welina la dabiibayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here