Wasaarada Warfaafinta Somaliland Iyo Ururka SOLJA Oo Xal Ka Gaadhay Khilaaf Culus Oo Udhexeeyay

0
1353
Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Muuse Abees

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Β Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri barwaaqo) iyo Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Β Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto),ayaa wada jir ugu dhawaaqay in Wasaaradda iyo Solja inay isla qaateen in uu Sabtida Β furmo shir weyne loo qabanayo Β saxaafadda Somaliland oo noqonaya shir weynihii ugu horreeyay ee noociisa ah ee warbaahinta iyo wasaaradda Warfaafintu iskugu yimaadaan.

Shirkan oo wasaaradda warfaafintu ku dhawaaqday,ayay markii hore ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solka sheegeen in aanay ka qayb galaynin, laakiin kulan ay maanta isugu yimaadeen madaxda wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta iyo hoggaanka Solja, waxaanay labada dhinac isku afgarteen in laga wada shaqeeyo danta saxaafadda Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo ka hadlayey kulanka ay wada yeesheen hoggaanka Solja iyo sida ay uga go’an tahay ka wasaarad ahaan in saxaafadda Somaliland la horumariyo oo kor loo qaado,waxaannuΒ  yidhi; β€œWaxa jirtay tabasho saxaafadda madaxa-bannaani ay ka muujisay shirweynaha Sabtida Β ka furmi doona magaalada Hargeysa oo ah shirweynihii ugu horreeyay ee jaadkiisa ah ee ay yeelato warbaahinta jamhuuriyadda Somaliland ay yeelato 27-ka sanno ee qaranku jiray,markii aanu is xog warsanay waxaannu go’aaminnay Β in aanaan kala socon ee aanu dhinac uun wada jeedno,gaar markii aanu isa sii warsanayna waxay noqotay in laga hadlo tabashadoodiina wax laga qabto,wixii ay sheeganayaan ee hadhawto ka soo baxa, shirkana in dawladdana la isula tago wixii ay wasaaraddu wax ka qaban kartana ay ka qabato,wax la hagranayaana aanay jirin ee marnabaΒ Β wasaarad ahaan iyo dawlad ahaan toona aan wixii awooddeena ah aan la dhaafi karin.”

β€œMarkaaΒ Β wixii ay xaq u leeyihiinna (saxaafadda) aanay ciddi ka duudsiyayn wixii xaq loogu leeyahay aanay cid ka daynayn,sidaa darteed waxaannu go’aansannay in shirwaynahaas wada jir looga wada qayb galo,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Waxa kaloo isna shirkaas jaraa’id ka hadlay Β Β Guddoomiyaha Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo sheegay in ay isku raaceen waaaradda in ay wada jir uga wada qayb galaan shirka warbaahinta Somaliland Sabtida Β furmaya, kana heshiiyeen wasaaradda tuhunadii shirka ay ka qabeen iyo in tabashadoodii wasaaraddu wax ka qabatay; β€œWaxaanu ka wada hadlaynay waxay aheyd arrintii shirka ee wasaaraddu ay qabanaysay oo Solja Β dalbatay in la caddeeyo ajendeyaashiisa, markaa waxaannu ka wada hadalnay,waxaanan isla garanay in shirkii berito furmaya ee wasaaraddu soo qaban qaabisayna in laga wada qayb galo hadday Solja tahay iyo hadday waaaradda tahayba iyo hadday cid kasta oo saxaafadda wax u tari kartaba ay taha,”ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA.

Guddoomiye Maxamuud Xuuto wuxuu intaas ku daray; β€œWaxa kale oo aanu ka wada hadalnay tabashooyin ay saxaafaddu qabtay iyo sidii wax looga qaban lahaa, kuwaas oo ay ka mid tahay cashuurtii wasaaraddu soo rogtay iyo arrinta dhulkii Solja iyo tabashooyinΒ Β kale oo saxaadaddu ay qabtay.”

Shirkan waxa goobjoog ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Md. Maxamed Muuse Abees, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Warfaafinta, Xasan Maxamed Yuusuf iyo Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee wasaaradda Xasan Maxamuud Muxumed, halka Guddoomiyaha Solja ay shirkaas ku wehelinayeen xubno ka tirsan Guddida fulinta ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.comΒ 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here