Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo Xidhay Tartanka Teniska-miiska Ah oo loogu Magac Daray HORNSAT OPEN +SAWIRRO

0
1711
wasiirka Ciyaaraha Somaliland Md-Boos Mire Maxamed oo Gudoonsiynayaa wiilkii ku guulastay tartanka

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kadib Tartan Ciyaareed Teniska-miiska Ah oo loogu Magac Daray HornSat Open Isla Markaasina Muddo 8 Cisho ah Ka Socotay Hall-ka Dallada Dhalinyarada Heer qaran Ee SONYO ayaa Galabta Lagu Soo Gaba Gabeeyay Iyada Oo Xafladii Xidhitaanka Tartankana uu Ka Soo Qeybgalay Wasiirka Wasaarada Dhalinyada iyo ciyaaraha Somaliland Md-Boos Mire Maxamed Oo Horkacaya Xubno Ka Mida Wasaaradiisa Tartanka Ayaa Waxa Ku Guulaystay Axmed Khaliif Cabdilaahi Jaamac (Barawaani).

Tartan Ciyaareedkan Teniska-miiska oo loogu Magac Daray HORNSAT OPEN ayaa waxaa iska kaashaday Telifishanka Caalamiga ah ee Horn Cable TV, Xidhiidhka ciyaaraha Teniska Somaliland iyo Wasaarada Dhalinyada iyo ciyaaraha Somaliland.

Xidhiidhka ciyaaraha Teniska Somaliland oo dhawaan la sameeyay ayaa wadaan qorshe ay kor ugu qadayaan ciyaaraha Teniska oo an badanaa dalkeena laga ciyaari jirin.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA 

 

 

PHOTO BY: Yacquub Siciid Kuuriya

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here