Warbixin Laga Soo Saaray Shilal Saacadihii U Dambeeyay Ka Dhacay Somaliland

0
876

Hargeysa (Hargeisa Press) – Taliska Ciidanka Booliska ee qaybta Nabadgalyada Waddooyinka Somaliland, ayaa warbixin ka soo saaray shilal is xig-xigay oo dalka ka dhacay saacaddihii u dambeeyay.

Shilalka gaadiidka ee saacaddihii u dambeeyay ka dhacay dalka, ayaa lagu qiyaasay 67, waxaana ku dhaawacmay 17 Qof, sida warbixintooda ay ku sheegeen Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinku.

Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka, ayaa warbixintooda ku sheegay in shilalkaasi gaadiid aanay jirin cid ku dhimatay, islamarkaana ay jiraan Burbur Maaliyaddeed Β oo soo gaadhay Gaaddiidka.

Hadaba, warbixinta Taliska Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka Somaliland ay soo saareen, ayaa u dhignaa sidan:-

β€œTaliska Ciidanka Booliska qaybta Nabadgalyada Waddooyinku waxa uu halkan kala wadaagayaa bulshada Somaliland saacaddihii ina dhaafay shilal is xig-xigay oo dalka ka dhacay.

Hargaysa: 6Shil ayaa ka dhacay, kuwaasi oo ay sababeen Gaaddiid kala duwan, waxa ku dhaawacmay 5qof wax dhimashina ma jiraan, sidoo kale Burbur Maaliyaddeed ayaa jira oo Gaaddiidka ah.

Boorama : 1Shil ayaa ka dhacay kaasi uu sababay Gaadhi dhacay, waxa ku dhaawacmay 9 qof , wax dhimasha ahina ma jiraan.

Berbera: 1 Shil laba gaadhi oo iskuΒ  dhacay waxa dhaawaca 3Qof, wax dhimashina ma jiraan.

Hadaba Ciidanka Nabadgelyada waddooyinku, waxay bulshada farayaan gaar ahaan wadayaasha Baabuurta inay taxadar iyo masuuliyad muujiyaan, sidoo kale dhimaan xawaaraha gaaddiidka.

Cidii awaamiirtaas qaadan waydana, waxaa ciidamada Nabadgalyada waddooyinku ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.” Sidaa ayaa lagu yidhi warbixinta Ciidanka Nabadgelyada waddooyinka.

Somaliland, ayaa waxaa aad ugu soo badanaya shilalka gaadiidka, iyadoo ay shilalkaasi ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh iyo mid hanti maaliyadeed ah.

Sababaha ugu badan ee keena shilalka gaadiidka, ayay boolisku ku sababeeyeen in ay yihiin telifoonka mobile-ka oo dareewalladu isticmaalaan iyagoo gaadhigiina wada, xawliga loo wado gaadhiga iyo taxadar la’aan .

Waxaa ay sheegeen in waxaa ugu badan ee keena shilalka ay yihiin gaadiidka yar-yar iyo gaadiidka waaweyn ee gobollada isaga goosha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here