Nin Mayd Ah oo Laga Helay Bakhaar Ku Yaalla Magaalada Wajaale

0
1650
degmada-wajaale

Tog-Wajaale (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya degmada Wajaale ee xarunta gobolka Gabiley, ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi laga helay Nin Mayd ah, sida ay xaqiijiyeen Ciidamada Booliska Somaliland ee degmada Wajaale.

Ciidamada Booliska Wajaale, ayaa waxaa ay sheegeen in Meydka Ninkan laga helay mid ka mida bakhaarada ku yaala gudaha degmadaasi.

Sidoo kale, waxaa ay Ciidamadu sheegeen in Meydka Ninkan ay madaxa xabadi kaga taalay islamarkaana Qori la dul dhigay Meydkiisa.

Ciidamada Booliska Somaliland ee degmada Wajaale, ayaa baadhaya dhimashada Marxuumkaasi iyo waxaa sababay, islamarkaana Meydka Ninkan la dhigay Cusbitaalka Wajaale.

Illaa iyo hada ma jirto cid loo soo qabtay dilka Ninkan lamana oga waxaa sababay dilkiisa, iyada oo aanay Ciidamada Boolisku wax faahfaahin ka bixin dhacdadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here