Aqalka Cad Ee Mareykanka oo War Ka Soo Saaray Qaraxyadii Muqdisho

0
541

Washington (Hargeisa Press) – Aqalka Cad ee Mareykanka, ayaa cambaareeyey qaraxyadii Sabtidii ka dhacay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof.

β€œDowladda Mareykanka waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarkii argagixisada ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 100 qof, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 oo kale, waxay si gaar ah ay u cambaareyneysaa beegsiga foosha xun ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo kooxaha gurmadka deg degga ah,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yidhi Jake Sullivan oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden.

Sullivan, ayaa sheegay inay tacsi u dirayaan shacabka Soomaaliya iyo dhammaan kuwii noloshooda ku waayay iyo kuwa ku dhaawacmay β€œweeraradaas argagaxa leh ee lala beegsaday shacab aan waxba galabsan.”

β€œDowladda Mareykanka waxaa weli ka go’an inay dowladda federaalka Soomaaliya ka taageerto dagaalka ay uga hortageyso ficillada argagixiso ee naxariis darrada ah,” ayuu yidhi Sullivan.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay dhimashada 104 qof iyo dhaawaca in ka badan 300, haddana waxaa weli jira dad la la’yahay, waxaana suurta-gal ah in khasaaraha intaas kasii bato.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa xalay wacad ku maray in loo aargudi doono dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here