Ururka TAWAKAL ee Xaafada State House-ka Oo Ololaha Nadaafada si Weyn uga qayb galay Una Mahad Celiyay Shirkadda Telesom + SAWIRRO

0
1166

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Guddida heer qaran ee bilicdda magaalooyinka Somaliland ayaa bishan April toddobadeedda ku dhowaaqay in loo aqoonsaday maalinta nadaafadda magaalooyinka, isla markaana la nadiifin doono magaalooyinka Somaliland.

20150407_092559
Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa iskugu soo baxay dadweynaha caasimadda oo ay hor kacayeen wasiiradda iyo maamulka dawladda hoose ee Hargeysa, kuwaas oo degmo kasta lagu qoray shaqaalaha wasaaradaha, isla markaana uu madaxweynuhu kormeer ku marayey xaafadaha kala duwan ee magaaladdaa.

20150407_092742
Ururka TAWAKAL ayaa ayaa saaka si weyn uga dhex muuqday ololaha nadaafadeedΒ  kana sameeyay xaafada State House-ka ee magaalada Hargeysa,halkaas oo ay degan yihiin dad badan oo qaxoonti ahi,kuwaas oo aan dawlada ka helin waxyaalo badan.

Xaali Cilmi Faarax oo ah Afhayeenka ururka  Ururka TAWAKAL
Xaali Cilmi Faarax oo ah Afhayeenka ururka Ururka TAWAKAL

“Hadii aanu nahay gudida Ururka TAWAKAL ee xafada state houska waxaa aanu idin sheegeynaa hadii aad madaxdii dalka in dadka xafadayada ku nool ay haysato dhibaato xaga walba leh kuwaasi oo in wax loo qabto dadka dan yarta ee xafadda ku dhaqan” Sida waxa tidhi Xaali Cilmi Faarax oo ah Afhayeenka ururkaΒ  Ururka TAWAKAL.
Waxaan halkan uga mahad celinayaa shirkada isgaadhsiinta Telesom oo qalabka loogu talo galay xashiishka noogu deeqday, waxan bulshada kalena ugu baaqayaa inay ku daydan shirkada Telesom. ayay tidhi Xaali Cilmi Faarax oo ah Afhayeenka ururka

20150407_095344
Xaafada State House ku waxay ka mid tahay meelaha ugu darxumada iyo dhibaatada badan ee hadana ku dhextaala wadnahii Caasimadda Somaliland.

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here