Suxufiyiinta Somaliland oo xusay sanad-guuradii kasoo Wareegtay Markii la Xayiray Wargeyskii Haatuf + SAWIRRO

0
1092

Hargeysa, (HargeisaPress) — Sanad-guuradii ka soo wareegtay markii albaabadda loo laabay wargeyskii madaxa banaannaa ee Haatuf ee Hargeysa ka soo bixi jiray ayaa maanta wariyeyaasha qaybaheedda kala duwan ku xuseen magaaladda Hargeysa.

???????????????????????????????

Suxufiyiinta ka hawlgalla qaybaha kala duwan ee warbaahinta ayaa maanta oo ay ku beegan tahay toddobadii bishii Abriil ee 2014 kii wakhtigii gabi ahaanba la xayiray labaddii wargeys ee mataanaha ahaa ee Haatuf iyo qaybtiisa ingiriisiga ee Somaliland Times xus ay la dareemayeen hawl-wadeenaddii iyo wariyeyaashii ka hawlgaliyey labadaasi wargeys ugu qabtay hoteel Xaraf ee magaaladda Hargeysa.

“waxa maanta ay ku beegan tahay maalintii ciidanka la dul geeyey wargeyskii Haatuf iyo Somaliland times, waa maalin xusuus gaar ah inagu leh, waa maalin la cabudhiyey warbaahinta guud ahaan, waana maalin aanay warbaahintu ilaawi doonin, waxa nasiib daro ah in illaa hadda xaruntii wargeyskaasi tahay xarun boolis, waxaase ka nasiib daran inagoo maalintaasi tacsideedda fadhina inuu madaxweynuhu yidhaa waa maalin olole nadaafadeed “ayuu yidhi tifaftarihii wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige oo goobtaasi ka hadlayey.

???????????????????????????????

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Afhayeenka ururka wariyeyaasha iyo qorayaasha Somaliland Maxamed Sagax oo sheegay in madaxweyne Siilaanyo lagu xasuusan doono cabudhinta warbaahinta iyo xadhiga wariyeyaasha, waxaanu tilmaamay inay afartii sanno ee u dambeeyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo noqotay xukuumaddii ugu xadhiga badnayd xukuumadihii soo maray.

Dhanka kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wariyeyaal kale oo xusay inay ka xun yihiin xayiradaasi wali lagu hayo wargeyska Haatuf iyo wargeyska kale ee Hubaal oo isna sanad iyo dheeraad xayiran.

wariyeyaal

Si kastaba ha ahaatee, bishii April, 7-deeddii ayaa noqonaya cadadkii ugu dambeeyey ee uu soo baxo wargeyska Haatuf, ka dib markii uu wax ka qoray wasiirka macdanta iyo biyaha oo lagu eedeeyey musuqmaasuq, haseyeeshee maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa sheegtay in aanay waxba ka jirin warkaasi, isla markaana ay ku soo rogtay xayiraad keentay inuu illaa hadda xayiran yahay.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

fikirkaaga

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here